“Labadda xisbi Mucaarid ah Malaha wax barnaamij ah oo bulshada laga Iibiyo”

0
453

Hargaysa (Dawan): Siyaasiyiin ka tirsan xisbiga Kulmiye ayaa  xisbiyadda  mucaarid ah ku tilmaamay kuwo aan  lahayn barnaamijyo siyaasadeed  oo ay umadda ka   iibiyaan oo lagu dooran karro.
Siyaasiyiintan  ka tirsan xisbiga taladda haya ee Kulmiye oo  shalay shir jaraa’id ku   qabtay Huteelka  Safaari ee magaaladda Hargeysa,  ayaa   waxba kama jiraan ku tilmaameen dhaliilaha iyo hadaladda ay madaxda  labada xisbi mucaarid warbaahinta ka sheegaan,  waxaanay u soo jeediyeen xisbiyadda mucaaridka ah in ay la yimaadaan barnaamijyo  siyaasadeed  oo ay bulshadda cod kaga kasban karaan.
Cabdi Maxamuud Saleebaan, oo ka mid ahaa  masuuliyiinta ka tirsan xisbiga Kulmiye ee  shalay shirka jaraa’id  qabtay   ayaa labada xisbi mucaarid ee UCID iyo Waddani ku tilmaamay  xisbiyo aan lahayn wax barnaanij ah oo shacbiga laga iibiyo ama food lagu waydiisto sidii xisbiga Kulmiye markii uu mucaaridk ahaa, u lahaa barnaamij siyaasadeed oo qoran.
waxaanu  yidhi “Labadda xisbi  mucaaridka ah ee UCID iyo Waddani malaha  wax barnaamij ah oo bulshada reer Somaliland laga iiboyo ama cod lagaga doono,  waxaana barnaamijyada xisbiyada  qaarkood la qoray 2002-dii, waxaad se moodaa  inay labada xisbi mucaarid  barnaamij ka dhigteen cayda iyo af-lagaadadda qarankan iyo madaxdiisa iyo qabyaaladda umada Somaliland lagu kala fogaynayo.  maalin walba waxaad warbaahinta ku arkaysaa labadda xisbi mucaarid madaxdooda u sareysa oo ka dhex hadlaya dumar iyo caruur Hudheel la keenay,  oo leh anaga oo reer hebel ah ayaanu ku biirnay iyada oo aan la gaadhin xili doorasho oo olole socdo, taasi oo keeni karta kicin iyo kala  fogayn bulshada dhexdeeda ah.”
Isaga oo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi   “Somaliland maanta way  kortay oo uma baahna qabyaalad. Waxa kale oo labadaa xisbi mucaarid ay madaxdoodu si qaran dumisnimaa ah u taageereen TV-ga Uiersal oo Somaliland qaranimadeeda waxyaabo ka soo hor jeeda sii daayay oo xukuumada dalka ka saartay. Waxa kale oo aad og tihiin hadalada qaran dumisnimada ah ee afhayeenka xisbiga Waddani uu 4/9/2014 ku dhawaaqay ee ahayd in aan ciidamada qaranka Somaliland  xukuumada talada haysa ka amar qaadan waxaan taa u arkaa in ay danbi qaran tahay.”
Dhinaca kale Cabdi Maxamuud Saleebaan, ayaa  hay’adaha amaanka ee qaranka u soo jeediyay in talaabo sharci laga qaado, afhayeenka xisbiga Waddani. “Waxaan qabaa in hay’adaha amaanka ama garsoorku u yeedhaan afhayeenka Waddani oo su’aalo waydiiyaan haddii aan lala xisaabtamin  cidii sharciga iyo qaranimada Somaliland  meel kaga dhacda waxaa dhici kara in taasi dhibaato inagu keento, waxaana aanu u arkaa danbi aad iyo aad u balaadhan in afhayeen  xisbi qaran oo umada  bari cod ka rabaa in uu warbaahitna la soo fadhiisto ciidamadu ay ka amar qaadan xukuumad  hada jirta waxay labadaa xisbi mucaarid madaxdoodu maalin walba warbaahinta ka sheegayaan hadalo shacbiga Somaliand welwer lagu gelinayo oo ah dalka xaalad adag ayuu ku jiraa, mar qudha ma sheegaan wax fiican. Waxaan labadaa xisbi u soo jeedinayaan inay la yimaadaan barnaamijyo umada cod lagaga heli karo shacbiga Somaliland dibad iyo gudo waxaan u soo jeedinayaa in labadaa xisbi ay kula xisaabtamaan hadaladaa ku lidka ah qaranimada Somaliland  ee mar walba ay warbaahinta ka wadaan dalkuna  maanta maalin uu ka fiican yahay ma  jirto” ayuu yidhi Cabdi Maxamuud Saleebaan oo mid ah xisbiga Kulmiye.
Ibraahin Ducaale Saleebaan, oo isna ka mid ahaa siyaasiyiintan ka tirsan   xisbiga Kulmiye ee shirka jaraa’id qabtay  ayaa labada xisbi mucaarid ee Waddani iyo UCID  madaxdooda u soo jeediayay in ay iska daayaan shakhsi weerarka iyo af-lagaadada ay maalin walba warbaahinta la soo taaganyihiin, balse   ay sheegaan wixii dhaliil ah ee xukuumadu  leedahay.
Waxaanu Ibraahim ducaale,  dalinyarada reer Somaliland kula dardaarmay  in ay iska qabtaan   cidii  samcadooda dilaysa  ee mindiyaha la dhex joogta xaafadihii ay ku dhasheen ayna u diyaar garawbaan difaacidda dalkoodda iyo dawladooda, isla markaana   ay ku daydaan  dhalinyaradii dalka xoreysay oo da’dooda u dhexaysa 20 jir iyo wax ka hooseeya.
Abiib Xasan Filfil, Dr. Maxamuud Aw Daahir  iyo Axmed Aadan Ismaaciil (Kayse), oo ka mid ahaa siyaasiyiintan ka tirsan xisbiga Kulmiye ee shalay shirka jaraa’id qabtay oo iyagna halkaasi hadallo ka jeediyay  ayaa waxay si weyn u difaceen waxqabadka xukuumadda taladda haysa ee uu hogaaminayo Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ay ku talaabsatay  mudadda ay taladda  wadanka haysay.  Waxaanay  labada xisbi  mucaarid ee UCID iyo Waddani u soo jeediyeen inay shacbia Somaliland  u keenaan barnaamijyo ay ku qancinayaan isla markaana ay ku cadeeyaan waxyaabaha ay  kaga fiican yihiin Kulmiye, haddii kale  ay iska daayaan cayda iyo af xumadda.
By: Idiris M.Xasan
Dwawannews Hargeysa office

Leave a Reply