“Ruug cadaagii Ina Hogaaminayay ayaa maantana musharax ah, dadweynaha ayaanay u taallaa maalinta doorashadda” C/raxmaan Saylici

0
429

Hargaysa (Dawan): Madaxweyne ku xigeenka  Somaliland Md.  C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), ayaa been cad oo  aan sal iyo raadtoona lahayn ku tilmaamay war ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta dalka, kaas oo ay ku sheegeen in madaxweyne Siilaanyo ka tanaasulay murashaxnimadda madaxweyne-nimadda ee doorashadda soo socota.
waxaanu sheegay in xisbiga Kulmiye ay ka sharaxan yihiin madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo isaga oo ah madaxweyne ku xigeenkiisa  C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), isaga oo  ugu baaqay bulshadda reer Somaliland in aanay dheg u dhigin wararka been abuurka ee khal-khal lagu galinayo dalka.
C/raxmaan  Saylici,  waxa uu sidaasi  ka sheegay hadal uu shalay ka jeediyay munaasibad shahaadoyin lagu gudoonsiinayay 134 Arday  oo ka qalan-jabiyay machadka shaqaalaha  dawladda ee CSI, oo   lagu qabtay Huteelka  Maansoor ee magaaladda Hargeysa.
isagoo ka hadlayay arrinta ay dhawaan warbaahintu qortay,  waxa uu yidhi “Maalin dhawayd waxa lagu qoray jaraa’idka madaxweynaha oo ka tanaasulay  murashaxnimadii, warkaasi warar sal iyo raad toona leh ma aha. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  waa musharaxa madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka oo aniga ah  ayaa xisbiga Kulmiye  u sharaxan.   sida sharciga iyo dastuurka dalku  siinayo   in mar labaad uu is-sharixi karo,  dadka ayaanay u taalaa inay noogu celiyaan, laakiin musharixiintu waa Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  iyo  C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici).
“Umadda reer Somaliland, waxaan  leeyahay ayaan khal-khal la idinku gelinin dadka iyo dalkana la jahawareerin,   ruug cadaagii ina hogaaminayay  ayaa maantana musharax ah, dadweynaha ayaanay u taalaa maalinta doorashadda loo dareero, waxa aanu qabanayna ku  faani mayno indhaha ayaana macalin ah.  waxaan se leeyahay dhaleecaynta   halanaga  sheego, Ribadu waa xaaraan, wixii naga khaldamay in lagu toosiyo waan ogol nahay,  laakiin wax aanaan lahayn ninka odhanaya dalkaa dhan ee  dhismay dawladani waxba ma qaban waa nasiib daro,  afar sano  waxaa  is-bedelay waa la arkayaa in waddo la dhisay, in  wasaaraddo la dhisay,  aduunyadana lama arag miisaaniyad ka bilaamatay 50 bilyan oo maantana 189 milyan maraysa, oo is-bedela inta xun a yaan la eegin ee inta wanaagsana hala arko” ayuu yidhi C/raxmaan Saylici.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa   u soo jeediyay xisbiyadda mucaaridka ah inay ka waantoobaan ka hadalka arrimaha   ciidamada qalabka sida oo uu ku tilmaamay inay yihiin lama taabtaan. waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay mucaaridadu inay xaragada ka tagaan   ma aha,  haddii ay xildhibaan tahay iyo haddii ay nin kale oo mucaarid ah tahay ba  ayaanay ciidamadda dhex-gelin, arrinta ciidamadda  oo lama taabtaan ah oo inaga dhaxaysa, mucaaridkuna waxa uu rabaa inuu mar uun dalka xukumo,  dalka ay doonayaan in ay xukumaana  in uu sii dumiyo looma baahna,  oo ciidamada uu dhex-galo.  taa cidna laga yeeli maayo, waxaan leeyahay ha laga feejignaado.”
Sidoo kale C/raxmaan Saylici   waxa uu ku naqdiyay xisbiyadda mucaaridka  ah eedaymaha aan jihadda lahayn ee ay u soo jeediyaan xukuumadda iyo qabyaalad, taasi oo uu sheegay in ay tahay mid ay dalka wax ugu dhimayaan.
Waxaanu tilmaamay in aanay xukuumad ahaan diidanayn dhaliilaha toosinta ah ee ay mucaaridku u soo jeediyaan xiliyadda ay munaasibka tahay, hase yeeshee in maalin kasta ay mucaaridku ku hadlaan waxyaabo aan loo baahnayn ay tahay mid looga fiican yahay.
Madaxweyne ku xigeenka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi   “Haddii maalin walba telefishanadda aan la soo joogsano qabyaalad iyo dhaleecayn joogta ah oo maan lahayn dadka iyo dalka ayaad wax ugu dhimaysaan, dhaleecayntan joogtada ah wakhtiga ay munaasibka tahay iyo marka wax la toosinayo lama diidayo, bal u fiirsada xisbiyadda mucaaridka ah  afar nin oo isku xisbi ah ayaa maalin kaliya  hadlaya,  waar maad  u kala hadhaan.  dhaliisha  qudheeda inta aad tashataan halka wax laga khalday muu hal qof ka hadlo, afar nin oo isku xisbi ah oo kelmad isku mid ah oo ay xukuumadda ku dhaleecaynayaan,  oo nin ina adeerkii dhir-baaxay oo uu  xidhay dawladdaa ka danbaysa lagu eedaynayo,  Ragga  madaxweyenimada doonayaa hadalkooda ha wanaajistaan ayaan leeyahay.
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply