Feedhyahankii Maxamed Cali Kelay oo la sheegay Geeridiisa

0
441

Wakaaladaha wararka ee Maraykanka iyo Ingriiska ayaa faafiyay warar is khilaafsan oo sheegaya  inuu  geeriyooday  feedhyahankii muslinka ahaa ee dunida caanka ka noqday Maxamed Cali Kelay.
Maxamed Cali kelay ayaa  la sheegayaa inuu   xalay  u dhintay xanuunka gariiratada oo muddo dhawr sanadood ah la jiifay.
Wargeyska Daily mail  ee dalka ingriiska ayaa  markii ugu horaysay inuu si rasmi ah u daabacay geerida  Maxamed Cali kelay .
Maxamed Cali kilay ayaa caan ku noqday taariikhda feedhka , wuxu ahaa nin muslin ah oo ka mid ah kuwa ugu caansan feedhka  miisaanka culus. Waxaana uu caan ku ku noqday darbadii xoog ahayd ee uu ku legdi jiray tobanaan ka  mid ahaa kuwii la tartamayay . Isagoo muddo saddex jeer ah  ku guulaystay  horyaalka dunida ee feedhka miisaanka culus taasi oo keentay in magaciisu taariikhda caan ku noqdo.
Maxamed Cali ayaa ku dhashay  Maraykanka sannadkii  1942.
 
Sannadkii 1999 ayaa lagu magacaabay inuu ahaa ciyaartoygii qarniga, waxaana lagu tilmaamaa inuu shakhsiga ugu degdegga badan xagga feedhka.

Leave a Reply