Golaha Guurtida Oo Ansixiyey Xeerka Lagu Maamuli Doono Xabsiyada Dalka

0
417

Hargeysa (Dawan) – Fadhigii shalay ee golaha guurtida oo uu shirhudoominayay gudoomiyaha Golaha Guurtida mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa waxa lagu ansixiyay xeerka xabsiyada Somaliland.
Xildhibaan Sahal Iidle Dirir oo ahaa gudoomiyihii guddi loo saaray in ay xeerkan ka soo baaraan degaan ayaa waxa uu goleweynaha u sheegay in xeerkani ay soo naaqisheen soona lafa gureen oo uu hadda yahay xeer u baahan in la dhaqan galiyo si loogu adeegsado nidaamka xabsiyada Somaliland.
Xildhibaan Sahal Iidle Dirir oo madax u ahaa guddidii loo saaray in ay ka soo talo bixiyaan xeerkan xabsiyada ayaa isagoo ka hadlaya xeerkan waxa uu yidhi “Xeerkan xabsiyada Somaliland waa xeer aad u balaadhan muhiimad wayna u leh dalkeena markaa hadaanu nahay guddidii loo saaray in ay xeerkan ka ka soo talo bixiyaan waanu soo eegnay, waxa aanu doonayanaa in aanu idiin sheegno oo aanu idiin cadayno in xeer nidaamiyuhu uu ka hadlayo oo kaliya xeerkan xabiyada Somaliland.”
Gudoomiyaha golaha guutida mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa waxa uu xildhibaanadii fadhiga ku sugnaa ku wargaliyay in cod loo qaadi doona ansixinta xeerka xabsiyada Somaliland.
Fadhigaas waxa ka soo xaadiray 52- xildhibaan oo ka mida 82-ka mudane ee uu ka kooban yahay golaha guurtidu, waxa ogolaaday in xeerkan la ansixiyo 51-xildhibaan cid diiday iyo cid ka aamustay ma jirin, gudoomiyuhuna muucodayn. Sidaasna waxa ku ansaxay xeerka xabsiyada Somaliland oo ay dhawaan golaha soo hordhigeen guddida arrimaha bulshada iyo xuquuqal iinsaanka ee golaha guurtida.
Xeerkan xabisiyada ayaa waxa uu ka soo gudbay golaha wakiilada oo soo ansixiyay, waxaana uu si rasmi ah u dhaqan gali doonaa marka uu saxeexo madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Gudoomiyaha golaha guurtida ayaa waxa uu xildhibaanada u sheegay in uu goluhu galay fasixii caadiga ahaa ee u dhexeeyay labada kal-fadhi kaas oo dhan mudo 45-maalmood ah.
Geesta kale gudoomiye ku-xigeen kowaad ee golaha guurtida mudane Siciid Jaamac Cali oo fadhigaas ka dib warbaahinta kula hadlay xarunta golaha guurtida waxa uu sheegay in xeerka diiwaan galinta madaniga ay u gudbiyeen guddi dib-u-eegis ku soo samaysa dibna ay ugu soo celiyeen golaha, balse faxii oo ka soo galay darteed ay go’aan sadeen in ay yara hakiyaan, isagoo arrintaa ka hadlaaya ayaa waxa uu yidhi “Guddidii aanu u gudbinay xeerka diiwaan galinta madaniga ah dib ayay ugu soo celiyeen golaha guurtida.”
Mudane Siciid Jaamac waxa kale oo uu sheegay in xildhibaano ka tirsan labada gole ee guutida iyo wakiiladu ay shirgudoonka golaha guurtida ay soo gaadhsiiyeen qoraal ay ku sheegayaan in laysku eego xeerkii  diiwaan galinta madaniga ah ee ay dhawaan ansixiyeen golaha wakiiladu, isagoo arrintaas ka hadlaayana waxa uu yidhi “Annaga xildhibaanno ka mid ah Golaha Guurtida ayaa noo keenay dhukumanti ay ku dhaliilayaan xeerka diwangelinta Madaniga ah, jiraanna farqi u dhexeeya xeerka uu Golaha Wakiiladu ansixiyey iyo ka loo gudbiyey Golaha Guurtida, sidaa daraadeed ayaanu u hakinay, si aanu iskula akhrino oo aanu iskula meel dhigno labada xeer ee la sheegayo, kalana tashanno shir-guddoonka Golaha wakiilada.” Mudane Siciid Jaamac waxa uu sheegay in xeerka diiwaan galinta  madaniga ahi uu yahay xeer aad u muhiim ah labada shirgudoon ee guutida iyo wakiiladu ay ka isla eegi doonaan.
By: Jamaal C/raxmaan Macalin
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply