Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya oo ka soo Muuqday Fagaare

0
380

Hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un ayaa meel fagaare ah lagu arkay tan iyo 3 bishii September, arintaasna waxaa sheegtay wakaaladda wararka ee wadankaasi.
Wakaladdaas oo lagu magacaabo KCNA ayaa sheegtay shalay  in Madaxwayne Kim uu hagitaan ama tilmaamo ku sameeyay, goob cusub oo loo dhisay in ay deegaan ahaan ka dhigtaan saynisyahanada wadankaasi.
Wargayska maalinlaha ah ee Rodong Sinmun ayaa soo bandhigay sawiro kala duwan oo muujinaya Kim Jong-un oo bakoorad cuskanaya intii uu dhexlugaynayay dhismahaasi.
Sababta in muddo ahayd  loo  arki waayay 32 jirkaasi ayaa dhalisay shaki baahsan oo ku saabsan caafimaad qabkiisa.
Dadka wax faaleeya qaarkood waxa ay sheegeen in Kim uu ku dhacay xanuun cagaha hoose ku dhaca ama misik ay xanuunayso. Kuwo kalana waxa ayba shaki galiyeen in uuba wadanka xukumo.
 

Leave a Reply