Afduubkii Hablihii Nayjeeriya oo Lix Jirsaday

0
413

Aad ayey u yar tahay xogta laga ogyahay waxa ku dhacay gabdhahaasi tan iyo markii gabdhahaasi ay iskuul ay ku xareysnaayeen ay ka kaxaysteen kooxda Boko Xaraam.
Dowladda Nigeria, ayaa wajahday dhaleecayn xooggan oo ku aadan in aanay ku guuldaraysan oo kaliya inay soo badbaadiso gabdhahaasi, balse ay yareyd inay bulshada u muujiso sida ay uga walaacsan tahay arrinta.
Waalidiin ku sugan Chibok ayaa BBC u sheegay inay ku tiirsan yihiin warar ku tidhi kuteen ah iyo ballanqaadyo aan la fulinayn oo ku aadan in gabdhahooda dhawaan ay dib ugu soo laaban doonaan guryahooda.
Aabe ka mid ah waalidiinta ayaa sheegay in siyaasiyiinta ay diiradda saarayaan doorashada sanadda soo socota intii ay badbaadin lahaayeen gabdhaha la la’yahay.
Tan iyo bishii Abriil dhalinyaro isugu jira rag iyo haween ayaa waxaa afduubtay kooxda jihaadiga ah ee haatan maamusha magaalooyin iyo tuulooyin u dhaw xudduuda waddanka Cameroon.
Dowladda Nigeria ayaa sheegtay, in haatan ay guulo ka gaadhay kooxda Boko Xaraam, hasayeeshee dhul ballaadhan oo ka tirsan waqooyi bari ayaa weli ah mid aan ammaan ahayn, iyadoo tobanaan kun oo qof ay ku barakaceen halkaasi todobaadyadii la soo dhaafay.

Leave a Reply