Lammaane Xafladii Qalin Jabintooda Keenay Wiil u dhashay Intii ay Jaamacadda Ku Jireen

0
492

Hargaysa (Dawan): Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md.  C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay 134 arday oo ka mid ah hawlwadeenadda hay’adaha dawladda oo muddo saddex sano ah waxbarashada degree-ga koowaad ee jaamacadda ka qalin jabiyay maamulka dawliga ah (Public administration), Accounting, Iyo Dovolopment Management ee uu bixiyo machadka shaqaalaha dawladda ee (CSI).
Ardayda qalinjabisay waxa ku jiray lammaane is-qaba oo wiil u dhashay mudadii ay waxbarashadda ku jireen, kuwaasi oo magacyadoodu kala yihiin Cali Ibraahim Warsame iyo Amaal Cali Jaamac oo labadooduba ka tirsan shaqaalaha wasaaradda Daakhiliga,waxaanay wiilkooda yar u spo qaadeen xafladii qalinjabintooda.
Munaasibad balaadhan oo loo sameeyay ardaydaasi qalin jabisay oo shalay lagu qabtay Huteelka  Maansoor ee magaaladda  Hargeysa, ayaa waxa  ka soo qaybgalay madaxweyne ku xigeenka  C/raxmaan Saylici, Wasiirka Maaliyadda C/casiis Maxamed Samaale, wasiirka arrimaha gudaha Cali  Maxamed  Waran Cade, guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda iyo Agaasimaha Machadka shaqaalaha dawladda, ardayda qalin jabisay iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) oo xafladaasi hadal ka jeediyay  ayaa   hambalyeeyay ardaydaasi  shaqaalaha dawladda ka tirsan ee qalin jabiyay, waxaanu ku booriyay in ay waxbarashadoodda sii wataan isla markaana xafiisyadda iyo xarumaha ay ka shaqeeyaan uu ka muuqdo is-bedelka waxa ay barteen.
Isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan  ku boorinayaa ardaydan qalin  jabinaysa inay sabraan oo loo dedaalayo,  kuwa  sii wadanayaan ha sii wataan, laakiin maanta nasiib wanaag shaqadii ayaad haysaan boqolkiiba sagaashan.  xafiiska aad ka shaqaynayseena waa in isbedel ka muuqdo, wasaradahana waxaan ku boorinayaa in ninka waxbartay ku xaq yeeshaan kii aan waxba baran ee wakhtiga iska lumiyay.”
Wasiirka  Maaliyada C/casiis Maxamed Samaale oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu hambalyeeyay ardaydan qalinjabisay waxaanu  sheegay in ay ka  wasaarad maaliyad ahaan  ka warhayaan Machadka shaqaalaha dawladda, isaga oo  xusay in  miisaaniyadda 2015 ay ugu dari doonaan machadka shaqaalaha dawladda kharashaadka uu u baahan yahay.
Sidoo kale Wasiirka  arrimaha gudaha Cali Maxamed  Waran Cade, oo isna munaasiabdaasi ka hadlay   waxa uu hambalyeeyay Machadka shaqaalaha dawladda oo uu ku tilmaamay in uu ka soo baxay shaqada loo igmaday ee ah  in uu kor u qaado aqoonta shaqaalaha dawladda.
Dhinaca kale Agaasimaha Machadka shaqaalaha  dawlada  Maxamed Mixile Boqore,   oo hadal ka jeediyay munaasibadaasi qalin jabinta ahayd  ayaa faahfaahin ka bixiyay   marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Machadka shaqaalaha dawladu iyo halka uu manta marayo. Waxaanu sheegay inay xidhiidh iyo iskaashi la leeyihiin jaamacado badan oo caalamka iyo qaaradda afrikaba ku kala yaalla.
Waxa kale oo uu ka waramay Md. Boqore qaabkii ama habkii ay ku kala saareen imtixaanaddii kala duwanaa ee ay ka qaadeen ardayda qalain jabisay mudaddii ay waxbarashadda ku guddo jireen.
Gudoomiyaha hay’ada sahqaalaha dawladda  Nuux Sheekh Muuse Ducaale,  oo isna halkaasi ka hadlay  waxa uu sheegay in Machadkan loogu tallo-galay in ay ka faa’iidaystaan shaqaalaha kala duwan ee dalka gaar ahaan kuwa dawlada, waxaana u hambalyeeyay ardaydan ka qalin jabisay  Machadka. Gebagebaddii munaasibadaasi ayaa madaxweyne ku xigeenku waxa uu halkaasi shahaadooyin ku guddoonsiiyay ardaydii qalin jabisay oo ay tiradoodu dhamayd 134 arday.
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply