Maxkamadda Ciidamadda Oo Dil Ku Xukuntay Askarigii Dilay Taliyihii Saldhiga Booliska Ee Arabsiyo

0
420

Hargaysa (Dawan): Maxkamadda ciidamadda ee Somaliland ayaa shalay  dil ku xukuntay gacan ku dhiigle Mawliid Maxamed Suudi, oo si badheedh ah u dilay marxuum Cabdi Ismaaciil Cali, oo ahaa taliyihii saldhiga  Booliska ee Arabsiyo.
Sida lagu sheegay nuqul ka mid ah qaraarka maxkamadda sar ee ciidamadda qaranka oo uu ku saxeexnaa guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamadda qaranka Somaliland Xasan Aadan Sugule, oo soo gaadhay xafiiska wararka ee wargeyska DAWAN, ayaa  u dhignaa sidan.
Maxkamadda sare ee ciidanka qaranku waxa ay soo saartay xukun maxkamadeed maanta  (shalay) oo ay taariikhdu tahay 14-ka bisha 10 ee 2014, xukunkaasi oo ah dil-toogasho ah oo uu galay gacan ku dhiigle booliis hore Mawliid Maxamed Suudi, kaasi oo si badheedh ah u dilay marxuum Cabdi Ismaaciil Cali, oo ahaa taliyihii saldhiga booliska ee Arabsiyo taariikhdu markii ay ahayd 30-kii bishii 9 ee 2014-ka.
Maxkamaddu waxay xukunkeedda u cuskatay qodobadda 170 iyo 171 ee xeerka ciqaabta ciidamadda ee xaaladda nabadgeliyo iyo 195  ee xeerka ciqaabta ciidamadda ee xaaladda nabadgeliyo ee ciidamadda oo lala akhriyo qodobka 434 ee xeerka ciqaabta guud.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply