Mucjiso: Gabadh Yar Oo Ku Dhalatay Iyadoo Qaarka Dambe Kalluun Ah

0
419

Gabadh yar oo ku dhalatay iyadoo qaarka dambe kalluun, kuna dhalatay dalka Peru ee qaarada Latin America oo ay dhaleen qoys faqiir ah aabbe 24 jir ah iyo hooyo 19 jir ah ayey waalidkeed ugu magac dareen Mucjiso (Milagros).
Dhakhaatiirtii kiiskan ee gabadhan yar ee qaarka dambe iskaga dhegan sida kalluunka oo uu horseed u ahaa  Dr Luis Rubio ayaa  waxay rajo ka muujiyeen qaliinka inkastoo qaliinku ahaa mid culus, balse ma jirin cid ku fekereysay inay lugaheeda ku socon doonto, adigoo fahmi kara qisada Milagros oo ah gabadhan balse iskuulka tagtey, iyadoo lugaheeda ku socoto afar sano kadib dhalashadeeda laguna guuleystay in la kala fujiyo lugaheeda, lagana dhigo qof caadi ah oo iskiis u soconaya.
Dadka noocaan oo kale ah ayaa inta badan dhinta balse way ka badbaaday gabadhan waxa ka horeeyay gabadh sidaas oo kale ah oo Mareykan ahayd, haddana jirta 16 sanno, balse markii la kala bixinayay lugaheeda ayay da’deedu ahay hal sano.

Leave a Reply