Madaxweynaha Oo Markab Dushii Tabobar Ugu Soo Guuto Ka Tirsan Ciidanka Badda Somaliland

0
383

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa todobaadkii munaasibad tabobar loogu soo xidhayay Ciidan ka tirsan Ciidanka Badda Somaliland kaga qayb galay Markab dagaal oo taagnaa Xeebta Dekeda Berbera, kaasoo ay leeyihiin Ciidanka Badda Ingiriiska.
Sidoo kalena waxay Dawladda Ingiriisku Markabka dushiisa ugu samaysay Madaxweynaha,Marwadiisa iyo wefti la socday Qado sharaf, isagoo Markabkaasina soo indho indheeyay.
Madaxweyne Siilaanyo oo Warbaahinta la hadlayay ayaa aad ugu mahadceliyay Ciidanka Badda Ingiriiska ee Ciidankan tababarka u sameeyay.
“Waxaan Aad ugu mahadnaqayaa Madaxda Markabkan iyo Safaaradda Ingiriiska, Markabkani Ilaalinta iyo tabobarka uu siiyo Ciidankeena Ilaalinta Xeebaha.Ingiriiska Cilaaqaad wanaagsan iyo taariikh hore ayaa inaga dhexeeya,, waxaanuna jecelahay inaanu xidhiidhkaasi sii kordhino maalin ba maalinta ka dambeysana sii waynaado oo Insha Allah labada dhinac ba faa’iido u yeesho” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.
Dhanka kalena Taliyaha Ciidanka Badda Somaliland Admiral Axmed Aw-cismaan ayaa Madaxweynaha u sharaxay tababarka Ciidanku qaatay “Mudane Madaxweyne waxaa farxad noo ah inaad nagala soo qayb gasho Xidhitaanka tababarada sanad laha ah ee ay na siiyaan Ciidamada ka tirsan Ciidanka Royal Marine-ka ee Ingiriiska, waasanadkii 3-aad ee ay na siiyaan tababarkan waana mid adiga kula kawsaday oo ku wajahan siyaasaddaada xukumiga ah ee Horumarinta Ciidanka Xeebaha” ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Ilaalinta Xeebaha.
Safiirka Ingiriiska u fadhiya Nairobi Neil Wigan oo markabka dushiisa ku qaabilay Madaxweyne Silaanyo ayaa isna halkaasi ka sheegay in Somaliland iyo Ingiriiska uu ka dhexeeyo Iskaashi dhinaca amaanka iyo arimaha kale ee dhanka horumarka ah.
 

Leave a Reply