Tacsidiisa Oo Lagu Jiro Ayuu Yimi!

0
400

Booliska Shilalka ee Dalka Maraykanka ayaa soo gaadhsiiyay dhimashada wiilkooda qoys Maraykan ah. Wiilkaasi oo ahaa 29 jir.  Ayaa sida ay booliisku sheegeen ku dhintay shil gaadhi.  Warkaasi Booliiska ka dib gurigii wuux isu bedelay mid murugo iyo tiiraanyo ka jirto. Iyagoo waalidiintiisuna ay ku wargeliyeen ehelkiisa iyo asxaabtiisa inuu shil gaadhi ku dhintay.
Nin u hadlay ciidmada shilalka dalkaasi ayaa cadeeyay in shilku ka dhacay Aalska maalintii khamiista 3:00 AM, Taasi oo aanu markiib ku wargelinay waalidiinta dhashay dadka shilka ku dhintay.
Qoyskan oo murugadaasi ku jira ayaa si lama filaan ah wiilkoodu albaabkii uga fureen  5:00 AM subaxanimo. Waxaana ay ku noqotay wax yaab iyo amankaag ah. Iyadoo murugadiina isu bedeshay faraxd xad dhaaf.  Boliiska shilalka ayaa goor danbe sheegay inay arintaasi ku timi iyadoo ay adkaatay in si fiican loo garto dadka shilku ku dhacay.

Leave a Reply