Caaqil Bogaadiyay Wax-qabadka Maayarka Hargeysa

0
391

Maanta horumarka ay adduunyadu  ku socotaa waa  mid cilmiyeysan  oo dhaxal qoraal ugu dhigmaysa dadka  hiigsanaya ama wax   ka baranaya. Sidaa darteed horumarka waxaa ka mid ah  waxqabadka, markaad   masuul tahay   ee dadlkaaga iyo dalkaaga  aad wax wanaagsan u qabato   oo   muuqda  waa mid  aan la iloobeyn   oo dhaxal  qoraal u galaysa buugga.
Maanta Maayarka   caasimadda Hargeysa  xilkiisii  wuu ka soo baxay, waxqabadyo  kala duwanna  uu qabtay intii   uu xilka hayey    weyna ka muuqataa caasimadda.
Anigoo  ah Caaqil Xasan Ibraahim Xuseen,  kana soo jeeda  degmadda  Maxamed Mooge, waxa uu maayarku degmada ka sameeyey   horumar la taaban karo hadday waddo tahay, hadday biriij tahay,  buundooyin iyo banaynta waddooyinka.
Sidoo kale, waxa uu wax ka qabtay xashiishkii tuulnaa  jirey meelaha waddooyinka ah,   maanta ma jiro   oo iskaashatooyinka  xashiishka u xilsaarani guryaha  hortooodey soo maraan  oo ay dadka kaga qaadaan   xashiishkooda,taaasini waa waxqabad u soo   kordhey   caasimadda Hargeysa.
Waxa kale oo  jira xildhibaanno  waxqabad leh   oo wada shaqeyni   naga dhaxeyso oo sharaf leh, waxaan   hadalkayga  kaga  baxayaa maayar  halkaa ka sii wad oo kuwa horumarka aan doonayn ha eegin,  xidhibaannada jecel qaska iyo muranka, kuwaasi waa ka dib inoo dhigaya  ee aan jecleyn cid  waddanka wax  u qabata iyo cid madax ka noqotaba.
Maayar waxaad tahay masuul ummaddeed waa inaad   ka fikirtaa horumakeeda sidii aad wax u qaban lahaydeen ,  isku duubnaan,  isla shaqeyn  wacan    iyo  kala  dambayn  wanaagsan
Caaqil Xasan Ibraahim Xuseen
Hargeysa/Somaliland

Leave a Reply