Daa’uud Khayre Oo Naqdiyay Hadal Ka Soo Yeedhay Siciid Sulub

0
416

 

Hargeysa, (Dawan)- La-taliyaha madaxweynaha Somaliland  ee dhinaca siyaasadda Daa’uud Khayre Kaahin ayaa si adag uga jawaabay hadal dhawaan ka soo yeedhay wasiirkii hore ee hawlaha guud ee xukuumaddii UDUB Siciid Sulub Maxamed oo ka mid ah xisbiga Mucaaradka ee Waddani, kaasoo si xogo-gaalnimo la’aan ah uga dayriyay xaaladda guud ee dalku ku sugan yahay.

Daa’uud Khayre Kaahin waxa uu sheegay in Siciid Sulub ku suntan yahay guriyihii uu iibiyay ee ku caasimadda Hargeysa, isagoo tilmaamay in ay nasiib-darro tahay in la soo bandhigi waayo  waxyaabihii taariikhda u galay wasiirkii  hore ee hawlaha guud.

Daa’uud Khayre oo ka hadlayay, dhawaaqa Siciid Sulub waxa uu yidhi,  “Siciid Sulub waxa uu ka mid ahaa wasiiradii xukuumaddii Daahir Rayaale oo markii dalku ugu fool-xumaa ayuu joogay ee loo baqayay inuu dalku burburo Illaahay uun baa ina badbaadiyay iyo madaxweynihii hore oo waaqaca gartay, ammaana wuu leeyahay, kuwii ku hareersanaana waxay doonayeen in dalku burburo, oo lagu kala yaaco, manay dhicin taariikhdana wuu ku galay Daahir Rayaale Kaahin, Siciid Sulubna marka taariikhdiisa dib loogu noqdo waxa nasiib-darro ah wixii taariikhda u galay ayaan la daba qaadin, waa ninkii shalay guryaha iibinayay ee aynu ogayn, waxa ka  jiraana  ma jiraan, waanu dhismay dalku dawlad ayaa  jirta ciidamada sida loo habeeyay wataa la arkayo, waxaan u sheegayo maan garan ee meel kaluu ka sheekaynayaa, waxaanan leeyahay  hakuu muuqato waxa la qabtay wax baa la mucaaradaa uun maaha arrintu, wixii xaqiiqo ah ee jirta dadku way arkayaan, shacabka aad wax u sheegaysaa muqafaliin maaha, waa dad garanaya waxay doonayaan iyo meesha ay ku socdaan.

La-taliyaha  madaxweynaha ee dhinaca siyaasadda. Waxa kale oo uu tilmaamay in madaxweyne Siilaanyo musharax yahay doorashada soo socota ee la filayo inay qabsoonto badhtamaha sannadka fooda inagu soo haya, “Madaxweynuhu horuu u caddeeyay in uu diyaar u yahay inuu tartamo doorashada soo socota. Doorashaduna wakhtigeedii ay ku dhacdo shaqsiyan anna waan waydiiyay  diyaar ayaan ahay ayuu yidhi meel uu ka sheegayna ma jirto inuu ka tanaasulay murashaxnimadiisii qarsoodiina ma noqon karto in doorashada uu musharax yahay iyo in aanu murashax ahayn.” Ayuu yidhi La-taliyaha oo shalay u warramayay Telefishanka madaxa-banaan ee HCTV.

La-taliyaha madaxweynaha ee dhinaca siyaasadda waxa uu tilmaamay doorka ay la-taliyeyaashu ugu jiraan madaxweyne Siilaanyo, isagoo xusay inay u soo bandhigaan wixii taloooyin ah ee khuseeya xukuumaddiisa.

By: Khadar M. Dhako

 

Leave a Reply