Dadka Mozambique oo Codkooda Dhiibanaya

0
393

Dadka reer Mozambique ayaa dhiibanaya codkooda, iyaga oo dooranaya Madaxwayne cusub iyo baarlamaan, waa doorashadii u horaysay ee loolan adag la galo tan iyo markii uu wadankaasi xornimada qaatay sanadkii 1975.
Ugu yaraan 11 milyan oo qof ayaa isu diiwaan galiyay si ay codkooda uga dhiibtaan gudaha Mozambique.
Sidoo kale waxaa doorashadaas codkooda ka dhiiban doona 90,000 oo qurbajoog ah.
Wadanku waxa uu ka mid yahay wadamada Afrika ee dhaqaalahoodu ugu koritaan badan yahay, waxaana dhawaan laga helay dhuxul iyo gaas badan.
Markii u horaysay taariikhda Muzambique, xisbiga talada haya ee Frelimo waxa uu wajahayaa loolan adag oo uu kala kulmayo mucaaradka.
Frelimo ayaa ahaa xisbigu ugu aqlabiyada badan wadankaasi tan iyo markii dalkaasi uu xoriyada ka qaatay Portugal sanadkii 1975, laakiin wakhtiyadii u dambeeyay oo xisbiga mucaaradka ah ee Renamo ay soo galeen tartanka madaxtinimada ayaa sababtay in la dhoho waa mid aad loogu loolamayo.
Ololihii doorashada ayaa inta badan u dhacay si nabadgalyo ah, korjoogayaasha ka socda Midawga Afrikana waxa ay sheegeen in ay ku kalsoonyihiin in doorashadu ay u dhicidoonto si xor iyo cadaalad ah.
Doorasahada waxaa kale oo korka kala socda Boqolaal kormeereyaal ah oo ka kala socda wadamada Barwaaqo sooranka laisku yidhaahdo, Midawga Yurub iyo Carter Center oo fadhigeedu yahay Maraykanka.
Mozambique waxaa ragaadiyay dagaal 16 sano socday oo u dhaxeeyay Frelimo iyo Renamo, kaas oo lagu qiyaasay in uu galaaftay 1 milyan  qof. Waxa uuna dhamaaday 1992.
 

Leave a Reply