Dalka Holland oo laga dhisaay suuq khudaarta u gaara ,loona dhisay sida seleda

0
419

Dalkaasi Holland ayaa laga furay suuq lagu iibiyo khudradda ,isaga oo noqday suuq aad u yaab badan,ka dib markii suuqaasi loo ekaysiiyey waxyaalaha inta badan filimada lagu metelo ee samada loogu baxo oo kale,waxaana suuqan mashruuciisa qaatay Markthal ,waxaana loo sameeyey xagiisa sare qaabka seleda oo kale.
Waxaana suuqaasi laga furay bishii hore magaalada Rotterdam ee dalkaasi Holland,waxaanu noqday suuq aad loogu dukaamaysi tago ,iyada oo dadku aad u booqdaan suuqaasi,waxaana jira dadka qaar suuqan wax ka iibsada iyo kuwo kale oo iyaguna dalxiis u taga suuqaasi.
Waxaana warbixin arrimahasi ku saabsan laga soo daayey barnaamij laga diyaariyey shaashada CNN-ta loo yaqaano,iyada oo lagu diyaariyey midabo kala duwan laguna sheegay inay tiro ahaan gaadhayaan ilaa 228 oo midab ama kaladh oo kala duwan.
Waxa kale oo mashruucan ka qayb qaadatay shirkada kale ee loo yaqaano Em in ARD in oo caan ka ah dalkaasi Holland,taas  oo qayb weyn ka qaadatay midabaynta dhismahaasi,waxaana lagu daray meelo waxyaalaha karsan lagu iibiyo iyo meelo gawaadhida la dhigo oo xaga hore lagaga sameeyey.
Dhismahan ayaa waxa laga dhisay meel magaalada badhtankeeda ah,waana meel ay ku badan yihiin meelaha taariikhiga ah,waxaana inta badan laga dhisay quraarad.
Waxaana halkaasi soo gaadha marka laga yimaado dadka caadiga ah fanaaniinta ugu caansan dalkaasi Holland,sidoo kalena waxa laga helaa khudaar kala duwan.
 

Leave a Reply