Xuud aan hore loo arag oo lagu arkay xeebaha dalka Australiya

0
433

Waxa xeebaha dalkaasi Australia lagu arkay xuud aan hore loogu arag caalamka ,siday sheegeen kooxo u dhashay dalkaasi oo ah dadka xayawaanaadka ka shaqeeya,waxaanu kusoo caaryey xuudkaasi xeebta lagu magcaabo Raadhead oo ah xeeb inta badan ay ilaaliyaan dadka degaanka dhawraa.
Xeebtan ayaa ah mid kamid ah New South Wales ayaa ah mid dhererkeedu gaadhaayo ilaa 4m,waxaana cadeeyey inuu yahay xuudkani mid dunnida aan hore loogu arag ururka ORRCA ,kaas oo ah urur ilaaliya waxyaalaha ku nool badda iyo berrigaba.
Waxaanu sheegay Ronnie Ling oo la hadlaayey wargeyska lagu magcaabo Mashable in xuudkani ahaa mid dhintay,ilaa haddana aanay ogayn sababta keentay inuu dhinto,waxaanu sheegay in aanu jirin waxyaalo calaamado ah oo muujinaaya waxyaalaha keenay dhimashadiisa,waxaana laga yaabaa ayuu yidhi in ay sababtay da’diisa oo weynaatey ama dhibaato jidhkiisa dhexdiisa ka dilaacday,ilaa haddana garan mayno ayuu yidhi sababta.

Leave a Reply