30 Guurrada Xuska Shuhadada SNM Iyo Ereyga Guddoomiyaha KULMIYE

0
455

Hargeysa, (Dawan)- Xuska sannad guuradda 30-aad ee ka soo wareegtay  maalinta shuhadada SNM oo ku beegnayd shalay ayay xukuumadda Somaliland  ugu tallo-gashay in la weyneeyo, isla markaana xus balaadhan loo sameeyo mujaahidiintii naftooda u huray dalkan, waxaana xuskaas maanta ka qaybgali doona masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, mujaahidiintii iyo halgamayaashii SNM. Xuskan ayaa lagu qaban doonaa fagaaraha beerta xoriyadda ee magaaladda Hargeysa.
Guddoomiyaha xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Muuse
Biixi Cabdi ayaa dhambaal hambalyo ah u diray mujaahidiintii SNM 30-guuradii ka soo wareegtay xuska maalinta shuhadada SNM oo ku beegnayd shalay oo ay bisha October ahayd 17.
Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Xoghayaha guud ee xisbiga Kulmiye  Xasan Siciid Yuusuf ,waxaanu u qornaa:-
“Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa , ka hogaanka xisbiga, Gudida fulinta, Golaha dhexe iyo dhamaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga Kulmiye wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhamaan mujaahidiinta SNM, xaasaskooda, Agoomihii iyo dhamaan shacbi weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, munaasibadda xuska  sannad-guurada 30-aad ee maalinta shuhadada SNM oo ku beegan 17/10/2014. Waxaanu Alle uga baryayaa intoodii dhimatay inuu u dembi dhaafo naxariistii jano ka waraabiyo, intooda xanuunsanaysana uu caafimaad deg-deg ah siiyo.
Isagoo qaran ahaana inagu boorinaya inay inaga go’naato, xuska iyo xaqiijinta himiladii
qaran ee ay lahayd intii shahiiday, xanaanaynta intooda jilicdasan iyo xurmaynta guud ahaan halgamayaashii SNM. Gabagabadii wuxuu Alle inooga rajaynayaa inuu sanadkan kiisa inagu gaadhsiiyo bash-bash iyo barwaaqo.”
By: Siciid M.Askar
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply