Golaha Deegaanka Hargeysa Oo Bilaabay La Xisaabtanka Maayarka Xadhkaha Ka Goostay

0
468

Hargeysa(Dawan):- Dadweynaha caasimadda Hargeysa ayaa,si weyn uga hadlay xaalad caafimaad darro oo ka dhalan karta saxo xumo ka jirta qaybo badan oo  ka mid ah caasimadda Hargeysa oo xilligan  noqotay magaalo aan lahayn fayo-dhawr shaqeeya ama dawlad hoose oo iska xil-saarta gurista khashink,halka xildhinaanno ka tirsan Golaha deegaanka ee caasimadda Hargeysana ay wadaan una soo jeesteen la xisaabtanka Maayerka caasimadda Hargeysa oo muddo laba sannadood ah aanay wax la xisaabtan ah la yeelan.
Dadweynaha reer Hargeysa qaar ka mid ah oo aanu kula kulanay biriijka weyn ee caasimadda Hargeysa oo ay hoostiisa fadhiyaan biyo  ugu yaraan halkaa ku jiray laba todobaad iyo ka badan,ayaa  Wargeyska Dawan u sheegay in ay halis ugu jiraan in ay biriijka weyn ee Hargeysa  hostiisa ka dilaacaan cudurada faafa oo ay sababaan biyaha fadhiya ee urtoodu is –bedeshay.
Ugu horrayn hooyo ka mid ah  dadwaynaha caasimada Hargeysa oo xilliga aanu booqanay biyaha urta sameeyay ee halista caafimaad keeni kara ee biriijka weyn ee Hargeysa hoostiisa fadhiya aanu wax ka weydiinay dareenkeeda ayaa tidhi “Hooyo magacayga waxaa la yidhaahdaa Waris Muuse waxaan degan nahay xaafada Dumbuluq waxaanu halis ugu jirnaa  cudurada faafa oo halkan(Biriijka hoostiisa) ka dhasha waxaad arkaysaa biyahaa fadhiya ee qudhmay ee qadhmuunka aan la dul mari karayn biriijka waxaanu qarka u saaran nahay in cudurro ka dilaacaan, waxaana masuuliyadda arrintaasi dusha ku qaadi doonta D/hoose ee Hargeysa.”
 
 
 
“Horta waa qalad in dooxa iyo meel kale oo aan munaasib ku ahaynba in khashin lagu qubo ama inta uu qof xashiish soo qaado in uu meel iskaga daadiyo laakiin markii ay dadku waayeen cid khashinka ka qaada iyo dawlad hoose oo ku qabsata halka  ay ku qubayaan wax iska fudud ayay noqotay in qofka halka uu gaadhsiin karo ku daadiyo xashiishka,”ayay tidhi Hooyo Waris.
 
Waxaa kale oo aanu gobta kula kulanay oday waayeel ah oo la yidhaahdo xaaji Jaamac waxaanu tilmaamay in uu muddo badan degenaa Hargeysa isla markaana aanu wali arag sida ay maanta tahay marka laga eego xashiishka iyo bilic xumadda, waxaanu yidhi “Siday maanta Hargeysi nadaafad darrada ka tahay wali kumaan arag waxaana u sabab ah laba arrimood o kala ah dadkii hore waxay lahaan jireen basar iyo qashin basrin wanaagsan taasi horta ma jirto oo dadkii qof waliba intuu gurigiis ka soo qaad xashiishka ayuu  mid kale hor dhigayaa,ta labaadna waa dawlad hoose la’aan oo maba lihin goobo khashin qub.”
 
Geesta kalena  xildhibaannada golaha deegaanka ee caasimadda Hargeysa ayaa si weyn uga soo hor jeestay hannaanka maamul ee Maayarka caasimadda Hargeysa oo ay  ku eedeeyeen musuq maasuq iyo ku tagri  fal awoodeed oo uu Maayarku ku kacay waxaanay ku adkaysteen in ay tallaabo ka qaadayaan isla markaana wax ka qaban doonaan.
 
“Waxyaabaha aannu isku haynay saaka waxa ka mid ah miisaaniyaddii sannadka 2014-ka ee guddigii soo diyaarisay aan ka mid ahaa waxay ahayd 50 bilyan oo shillinka Somaliland ah, iminka bishii tobnaad ayeynu ku jirnaa, lacagteedii waatan warqadan aan hayo ku taal oo way soo wada baxday, marka laga reebo lacagta mashruuca JPLG-ga, (mashruucaha horumarinta magaalooyinka) iyadoo weliba lacagtii kabka dawladda dhexe ee dawladda hoose qaadanaysay ay Wasaaradda Arrimaha Guduhu ku samaysay diiwaangelinta haddana xataa tii kabku way soo baxday oo waxa jirtay in aannu cashuuraha kordhinay sannadkan oo iyadu kabtay, markaa lacagtii miisaaniyaddu dhammaanteed way soo baxday. Haseyeeshee, mashaariicdii loogu talogalay in ummadda loogu adeego maxaa ka fulay, maxaanse ka fulin? Dhammaanteed 5% waxba kamay fulin, lacagtiina bangiga ma taalo, markaa sow in la is-waydiiyo maaha lacagtii xaga ay qabatay? Wuxuu yidhi (maayirku) yaan laga hadlin taa, arrinta aannu ka diidnay ee muranka keentay waxa weeye waa laga hadlayaa hantida ummadda iyo halkay ku baxday, waayo dad masaakiin ah iyo dumar wadhato ah ayaa laga soo ururiyey, lacagtii halkay martay in is-waydiiyo oo la is xisaabiyo oo golaha la soo hordhigo wuu diiday maayarku, mana aqbalayno waanu dhaaranay oo kitaab baanu gacanta saarnay,” ayuu yidhi xildhibaan Cismaan Waxar.
Dhawaaqa  xildhibaannada golaha deegaanka caasimadda Hargeysa iyo cabashada dadweynaha ee ka timi ee ku wajahan  fayo-dhawr la’aanta ayaa soo kiciyay 10 xildhibaan oo garwaaqsaday in xaaladda Dawladda Hoose ay marayso marxalad walaac xambaarsan oo ay tahli weyday adeegyadii bulshaddu ka sugaysay.
By: Faysal Xiis Weerar
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply