Boko Xaraam oo Aqbashay inay sii dayso Hablihii u Afduubnaa

0
408

Maamulka dalka Nigeria ayaa sheegaya inay heshiis xabad joojin ah la gaadheen kooxda Boko Xaraam.
Kaaliyaha  madaxtooyada Hassan Tukur ayaa sheegay in heshiiska ay ku jiraan siideynta in kabadan 200 oo gabdho iskuuley ah oo Boko Xaraam ay qafaasheen lix bil k a hor.
Waxa uu intaa ku daray in heshiiskan la gaadhay kaddib isbuucyo wada xaajood ah oo ay dhexdhexaadineysay dowladda Chad, wuxuuna xaqiijiyay inay jiri doonaan wadahadalo dheeraad ah oo looga hadlayo qaabka loo siideynaayo gabdhaha. Ma jiro war ka soo baxay ururka Boko Xaraam illaa iyo hadda.
 

Leave a Reply