Daacish oo ku Tababaraysa Duuliyeyaal Dayaarado Dagaal

0
443

Duuliyeyaal Ciraaqiyiin ah oo ku biiray kooxda la baxday dawladda islaamka ayaa tababaro baylootnimo uga furtay  Siiriya  xubno ka mid ah si ay u duuliyaan dayaardo dagaal oo ay qabsadeen.

 Koox u dhaqdhaqaaqda xuquuqda aadanaha oo dusha kala socota dagaalka oo fadhigeedu yahay UKayaa sheegaysa in ay war ka heshay goobjoogayaal arkayay diyaaradahaasi oo ka duulaya  madaarka milateri ee Aleppo.

.
Rami Abdul Rahman, madaxa heyadda SOHR, ayaa sheegaya in ay IS  adeegsanayso saraakiil Ciraaqiyiin ah oo ahaan jiray bayloodo xilligii rajiimkii Saddam Hussein
Goobjoogayaal ayaa sheegaya in ay arkeen dayaaradaha oo marar badan ka kacaya madaarka haddana ku soo noqonaya.
Lama oga tirade bayloodada ciraaqiyiinta ah ee u goostay Daacish.
Dayaaradaha ayaa waxa ay sheegayaan dadkii arkay in ay ula muuq ekaayeen moodeelada MiG-21 ama  MiG-23 models.

Leave a Reply