Caasimad sidii biyaha looga moosi lahaa ay ku baxayso 263 million oo Dollar

0
500

Waxa magaalada caasimada u ah dalkaasi Indonesia ee Jakaarta ka socda isku day balaadhan oo la doonaayo in lagaga mooso biyo dhibaato balaadhan ku haya magaaladaasi,kuwaas oo markasta soo gala badhtameheeda,waxaanay dhibaato soo gaadhsiiyaan meelaha ganacsiga iyo meelo kale oo muhiim ah intaba.
Waxaana loo diyaariyey lacag dhan 263 dollar,taas oo loogu talo galay in lagaga mooso daadka kusoo jabaaya markasta ama biyaha soo dhex gelaaya ,iyada oo la doonaayo in lagu mooso xeebta magaalada caasimada ah oo ah halkay dhibaatadu ka imanayso.
Waana habka keliyaata ee lagu daweyn karo daadadkan ,waana mid kamid ah dedaaladii uu wadey madaxweynaha hadda xukunka haya Joko Widodo waqtigii uu ahaa maayirka magaaladaasi ,isaga oo ku gulaystay in badan oo kamid ah inuu waqtigaasi xidho.
 
Laakin nasiib daro magaalada Jakaarta oo ah mid badda la siman ayaanay u suurtogelin inuu dhamaystiro,iyada oo dadka ku noolina ay yihiin kuwo aad u badan,waxaanay gaadhaan ilaa 10 million iyo badh qof.
 
Wasiirka dhaqaalaha ee dalkaasi Indonesia Herrol Tanjung ayaa sheegay inuu mashruucani yahay mid aad u wanaagsan oo loo baahan yahay in la balaadhiyo,isaga oo sheegay in lagu dedaalaayo sidii magaaladaasi looga dhigi lahaa mid badbaada,hadalkana waxa uu ka yidhi xaflad loo qabtay mashruucan furitaankiisii.
 
Waxa kale oo uu sheegay wasiirkaasi in haddii aan sidan la samayn ay magaalada Jakarta noqonayso sannadka 2050 mid ay biyuhu dul maraan.

Leave a Reply