Dalka Koonfurta Kuuriya Oo Dhisaaya Doonta Ugu Weyn Caalamka

0
439

Dalkaasi Kuuriyada Koonfureed ayaa wada mashruuc lagu dhisaayo doonta ugu weyn caalamka,taas oo dhismeheedu ka socdo dekeda lagu magcaabo OPCO oo dalkaasi ku taala,waxaana loo bixiyey doonidaasi  The Maersk Triple E,waxaanay noqon doonta doonta ugu weyn caalamka ,waxaana dhisaysa shirkada lagu magcaabo Daewoo Shipping.
 
Doontan dhismeheeda waxa ku baxaysa lacag aad u badan oo gaadheysa ilaa 3.8 million oo doolarka Maraykanka ah,waxaanu dhererka doontaasi noqonayaa 400 mitir,iyada oo joogeeduna noqonaayo ilaa 60 mitir,waxaanay ka dheeraan doontaa doonta kale ee ay la tartamayso oo lagu magcaabo E Class dherer lagu qiyaasay saddex mitir oo dherer ah iyo jooga  oo ah afar mitir.
 

Leave a Reply