Dhalinyarro Taageertay Maayarka Caasimadda, Baaqna u Diray Golaha Deegaanka

0
396

Hargeysa (DAWAN)- Dhalinyarro  reer Hargeysa ah ayaaa taageero weyn u muujiyay  Maayarka Caasimada Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo ay ku doodeen inuu wax badan ka qabtay horumarinta magaaladda.
Dhalinyaradaasi oo shalay shir jaraa’id qabtay ayaa Golaha deegaanka Caasimadda ku booriyay inay ka waantoobaan khilaafyadda si aanu u dhicisoobin waxqabadkoodu.
Ganacsade Axmed Xaaji Cabdilaahi oo ka tirsan Ganacsatada Hargeysa ayaa ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Maayarku wax la taaban karo qabtay siiba dhanka dab-damiska iyo waddooyinka, waxaanu yidhi   “Waxa uu dhisay Maayarku Wadooyin Aad u badan oo sawaxankii Gawaadhida kala yareeyay Arrinkaasina waa in lagu amaano,Qofka Bini-aadamkii wuu khaldami karaa waxa uu u baahan yahay in la toosiyo,Haddii laakiin La sii kala rido isna waxba qaban Maayo,Bulshadana waxba u qaban maayo,Laakiin Arrinka meesha yaal waxa weeyaan in la Tageero,Maayar kale oo la doortaana Yaanu  Jirin,” ayuu yidhi Ganacsade Axmed Xaaji
 
Cabdi-risaaq Suudi Nuur oo ka mid ah dhalinyaradda caasimadda ayaa ku dooday in faro-gelin dibadeed ay sababtay khilaafka todobaadkii hore ka soo dhex bilaabmay Golaha deegaanka caasimadda, waxaanu yidhi  “Labadaas Sanno ee Golaha Deegaanku Jiray waxa u qabsoomay Horumar la taaban Karo,Hadii Saddexda u hadhayna car-qalad la galiyo Waxaan odhan Karaa waxba uma qabsoomi doonaan,Laakiin waxaad Moodaa In Faro gelin kale meel kale kaga Socoto,Ama reer ha Noqoto ama Xildhibaano ha noqotee,Markaas waxaan odhan lahaa Maayarku Intii uu Xilka hayay wuu dedaalay haddii uu wax dhimayna waxa fiican in la toosiyo,laakiin haddii La yidhaa Xilka ayaanu kaa qaadaynaa Ma fiicna,Jiciir waxa uu hayay Xilka Shantii Sanaba,Marna Xilka lagama Qaadin,Kana waxa qurux Badan inuu Xilkiisa dhamaysto,Wixi ka khadlana loo hagaajiyo.”
 
Cabdi Risaaq Daahir oo ka mid ahaa dhalinyaradii taageertay Maayarka caasimadda, waxa uu yidhi ”Waxaanu  Leenahay Xildhibaanada Golaha Deegaanka Idiinma aanu  Dooran inaad is qabsataan,Laakiin waxaanu idiin Dooranay inaad Maayarka iyo Ku xigeenkiisa ku Tageertaan waxqabadka ay bulshada u fidinayaan,Dhammaan Garoomadii Magaalada Hargaysa wuu quruxiyay, waxaana odhan lahaa Maanta Cid Wax qabatay isaga ayaa ugu badane’ Dedaalkiisa halkaas ha kasii wadee ka daaya Qorya-qoryaynta.”
By: Cumar M.Faarax
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply