Wasaaradda Beeraha Oo Wajaale Ku Qabatay Wacyi-gelin Ku Waajahan Xuska Maalinta Cuntadda Aduunka

0
359

Tog-Wajaale(Dawan): Wasaaradda Beeraha Somaliland ayaa wacyigalin gaadhsiisay Beeralayda deegaanka Degmada Tog-Wajaale, waxaana magaaladaas oo ka tirsan gobolka Gabiley lagu qabtay Munaasibad lagu xusayay  maalinta caalamiga ah ee Cuntada Adduunka.
Wefti uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha Somaliland Aadan Ibraahim Ashqar ayaa kormeer balaadhan oo beeralayda lagu wacyigalinayo laguna indho indhaynayo wax soo saarka dalka ku maray Banka Wajaale oo ka mid ah goobaha wax soo saarka dalka ugu muhiimsan.
Weftigan uu hogaaminayey wasiir ku xigeenka wasaaradda Beeraha Aadan Ibraahim Ashqar ayaa waxa safarka kormeerka ku wehelinayey Agaasimaha guud ee wasaaradda Beeraha C/laahi Ismaaciil Faarax, Af-hayeenka wasaaradda Sacad Muuse Cabdi, La taliyaha Wasiirka Ibraahim Carab, Masuuliyiin kale oo ka socday wasaaradda Beeraha, Iskaashatooyinka Beeralayda, Hay’addaha caalamiga ee Beeraha ka shaqeeya qaar ka mid ah iyo taliyeyaasha ciidamada Asluubta iyo Qaranka ee Gobolka Gabiley.
Weftigaasi  ayaa markii ay dhameeyeen kormeerka ay ku marayeen beeraha Baxay ee Banka Wajaale, waxa ay ka qayb galeen munaasibad lagu qabtay Hutel Geelle ee degmada Wajaale oo loogu talo galay xuska wacyigalinta maalinta Cuntada aduunka oo ku began 16/Oct/2014.
 
Agaasimaha guud ee wasaaradda Beeraha C/laahi Ismaaciil Faarax oo madashaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay beeralayda kula dar daarmay inay wax soo saar la yimaadaan, iyada oo dadku sugayaan waxa ay beeraan oo aan la sugin wax dibada ka imanaya.
 
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Beeraha Aadan Ibraahim Ashqar oo isna  halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu xusay in loo baahan yahay in dalka wax lagala soo baxo.
waxaanu yidhi  “Waxa loo baahan yahay in dalka wax lagala soo baxo, waxaan xusuustaa hal ku dhigii uu lahaan jiray hal gamaagii weynaa ee Muhatma Gaandi ee ahaa Baahidaad dabool oo wax la soo bax doonistaadana xadid, dhinaca Siidhka waxaanu ugu bushaaraynaa dadka in wasaaraddu leedahay shaybaadh casri ah oo lagu baadhi doono siidhka beeralaydu beeranayso.”
 
Badhasaabka Gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Shiine oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa faahfaahin ka bixiyey sida uu ugu han weyn yahay in gobolkoodu dalka wax ka soo saaro iyo caqabadaha loo baahan yahay in laga saaro beeralayda ee haysta.
 
Guddoomiyaha Gabiley Mustafe Shiine oo arrimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Banka Wajaale markaad aragto waxaad arkaysaa sida loogu baahan yahay in laga faa’iidaysto wax soo saarka beeraha, anagu waxaanu ku fikirnay in beeralayda Iskaashato loo sameeyo, isla markaana dhalinyaradan mar kasta tahriibaysa lagu mashquuliyo sidii ay dalkooda wax ugala soo bixi lahaayeen, taasi oo aanu wasaaradda beeraha ka codsanayno inay naga taageerto sidii dhul ay dhalinyaradu beertaan loogu heli lahaa, waxaanu sidoo kale ka codsanaynaa wasaaradda beeraha inay caqabadaha suuq gayntu ka mid tahay ee beeralayda haysta wax nagala qabato oo qofka soo saara hadhuudh badan marka hay’adda WFP qamadi ay dibada ka keentay dul keento suuqii wuu niyad jabayaa”.
Agaasimaha oo arrimahaasi ka hadlaya  ayaa waxa uu yidhi “Maanta waxa ay ku began tahay maalinta beeralayda aduunka lagu wacyigaliyo cunto soo saarka, isla markaana loo asteeyey maalinta cuntada aduunka, iyada oo hal ku dhigga sanadkan la qaatay uu yahay (Qoyska Beeralayda ah waxa ay quudiyaan Aduunka), waxaanan beeralayda ugu baaqayaa inay wax soo saar la yimaadaan oo aanay is dhigan”.
Agaasimaha oo fariin u diraya Ganacsatada dalka  waxa uu yidhi “Ganacsatada iyo tujaarta wadanka waxaan ugu baaqayaa inay dalkooda maal gashadaan oo lacagahan ay kaydinayaan dalka galiyaan, taasi oo shaqo abuur u noqonaysa dhalinyaro badan oo dalka ah, Tujaarteena iyo keena aan taajirka ahayn Bariis uunbaynu wada cunaa, markaa waxay ina dheer yihiin uun tirada markaa tujaarta waxaan leeyahay lacagta waad ka dhimanaysaan ee dalka galiya intay meel iska ooli lahayd”.
Dhinaca kale Daria iyo Mallukuto oo ka mid ah masuuliyiinta hay’adda cuntada Aduunka ee FAO oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa xusay in loo baahan yahay in beeralaydu wax soo saar la yimaadaan si gaajada looga baxo, isla markaana beeralaydu iskaashi iyo wax wada qabsi la yimaadaan.
Madaxa Hay’adda IFAD Sulub Cali Aadan oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa ka sheekeeyey sida Banka Wajaale todobaatameeyadii wixii ka horeeyey looga soo saari jiray cuntada dalku cuno oo dhan, isaga oo ku booriyey beeralayda in looga fadhiyo soo saarka cuntadii wadanka laga cuni lahaa.
Madaxa hay’adda Action Aid Sacdiya oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa dadweynaha ka codsatay inay wax soo saar la yimaadaan, iyada oo dawladdana u soo jeedisay inay hubinta tayada siidhka ka shaqeeyaan oo ay taasi beeralayda ka taageeraan.

By: Khaddar Cabdi Muuse

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply