Nasa Oo Cadaysay In Cadceedu Ka Soo Bixi Doonto Galbeed

0
554

Sida ay baahiyeen wakaaladaha wararka iyo saxaafadda caalmiga iyagoo soo xiganaya Wakaaladda Hawada sare u qaabilsan Maraykanka ayaa cadaysay inay suurtagal tahay inay cadceedu ka soo baxdo dhinaca galbeed maalin ka mid ah maalmaha.
Nasa ayaa intaasi ku dartay in laga yaabo inay weliba ay maalintaasi dhawdahay. Sida ay qoreen warbaahinta kala duwan sida wargeysayada Dail mail iyo Newyorka Times.  Nasa ayaa intaasi ku dartay inay dhici karto in magnet uu dhulku ku wareego uu isu bedelo mid dhinaca kale u wareega taasina ay sababto in cadceeda iyo xidiga Mars ay labudaba ka soo baxaan dhinaca galbeed. Nasa ayaa intaasi raacisay in taasi ay dhamaan saamayn ku yeelan doonto muuqalaada dunida iyo technologiyda ee manta jirta.
Nasa waxa kale oo intaasi raacisay in Mixwarka magnetka ah ee dhulku ku wareego aanu u xoog badnayn sidii uu hore ugu xoog badnaa, kaasi oo daciifay 90% .  Qilaafka magnetka ah ee dhulka ayaa ku ilaaliya dhulka wareegiisa caadiga. Tani oo keenaysa marka uu daciifo inuu dhulka wareegiisa caadiga ah uu inqilaab ku yimaaddo taasi oo noqon doonta masiibo weyn.

Leave a Reply