Salaadiin Ku Baaqay In Ammaanka Xuduuddaha Iskaashi Laga Yeesho

0
415

Boorama, (Dawan)- Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka gobolka Awdal ayaa ka hadlay ahmiyada ay dadka ku dhaqan gobolka Awdal u leedahay ilaalinta amniga gudaha iyo dalalka jaarka ee uu gobolku xadka la leeyahay.
Waxgaradka iyo xildhibaannada oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boorama ayaa fariimo u direen dalalka jaarka, hay’addaha amniga ku shaqada leh iyo dadka reer Awdal.
Suldaan. Saleebaan Cali Ismaaciil oo ugu horeyn shirkaa ka hadlay ayaa yidhi, “Xaqiiqdii beelaha Gada-buursi waxay deegaan ku leeyihiin dalkeena Somaliland iyo dalalka kale ee Jabuuti iyo Itoobiya, waxa inagu waajib ah inaynu ilaalino amniga guud iyo ka gaarka ah ee dalalka aynu jaarka nahay, dadkeenii ayaa jooga, hanti baynu ku leenahay, waxaana ina saaran inaynu nabadgelyada ilaalino, waa inaynu dhibaato ka ilaalino haddii la inoo soo marayo oo cid ay dhibaato u keenaysaa jirto.”
Suldaan. Saleebaan isagoo hadalka sii wata waxa uu intaas ku daray, “Masiibo awrqaad ah ayaa dadka marta, inagu waxa laga yaabaa inaynaan u qasdiyin, waxaana waajib ah inaynu ilaalino qasaaraha ay keensan karto, haddaynu ilaalin wayno, qasaaruhu inaga ayuu inagu dul dhacayaa, waana inaynu hoos u eegno xaalka, kana digtoonaano in kama’ lagu dhinto oo aynu ilaalino nabadgelyada, dawladdaha jaarka ahna aynu nabadgelyo kula noolaano.”
Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo isaguna ka hadlay halkaas ayaa ku taageeray Suldaan Saleebaan ilaalinta nabadgelyada ay waajibka u leeyihiin dalalka jaarka aynu nahay, waxaanu yidhi, “In la ilaaliyo nabadgelyada waa waajib, in gacan la isa siiyaana waa waajib, waana mid aanu soo jeedno ilaalinteeda, waxaananu ku guubaabinaynaa dadka inay ilaaliyaan nabadgelyada oo ay u feejignaadaan cid walba oo dalalka jaarka ah waxyeeli karta.”
Suldaan Dhawal waxa uu naqdiyay in laamaha amnigu ay ka been sheegaan xaqiiqda khatarta amni ee jirta, waxaanu ka digay waaqica xun ee ka dhalan kara, haddii la majara habaabiyo arrimaha amniga ee u baahnaa iskaashiga waxaanu yidhi, “Wax baa dhaca, meel walbana wax way ka dhacaan, waxaananu ku boorinaynaa hay’addaha ku shaqada leh amniga, cidday doonaan ha ahaadaan, dalkay doonaan ha ka tirsanaadaan, inay ka taxadiraan, iyaga oo qof colaysanaya, iyagaoo gobol colaysanaya, iyagoo shaqsi colaysanaya, in khatartaasi caalamiga ah ee laga soo wada horjeedo ay u weeleeyaan meel aan meeshii ahayn, oo aanay u weecinin oo aanay farta ku fiiqin meel aan meeshiiba ahayn,  haddii ay taasi dhacdo, waxa hubaal ah inay dadkii iyo dalkii soo dirsaday khiyaamo ku tahay, waxa ay masiibo iyo meel ka dhac ku noqonaysaa dadkii aan waxba galabsan ee beenta laga sheegay, waxaananu u sheegaynaa inaan diyaar u nahay ilaalinta amniga dalalka jaarka aynu la nahay, xoojinana wada-shaqaynta iyo xidhiidhka dhinaca amniga iyo iskaashiga inaga dhexeeya.”
By:Cabdalle Cali Yuusuf
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply