‘Somaliland waa Dal Dihin oo Buuxiyey Shuruudaha Maalgashiga Wasiir Xirsi

0
541

London (Dawan) – Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland, Mudane. Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa faahfaahiyey shirkii Maalgashiga ee Somaliland loogu qabtay Magaalada London, kaasi oo uu wasiirku ka jeediyey khudbad ku arooreysay fursadaha Maalgashi ee Somaliland yaalla.

Wasiirka ayaa qoraal dheer oo uu ku faahfaahinayo shirkaasi waxa uu ku baahiyey barta uu ku leeyahay Internetka  ee Guusha.com, waxaanu u dhignaa sidan “Siday aynu ognahay xidhiidhka Caalamiga ah ee Dawladaha dhex mara oo Maalgashigu ugu muhiimsan yahay waa muftaaxa kor-u-qaadida dhaqaalaha, la dagaalanka shaqo la’aanta iyo abuurida fursado Shaqo.

Hadaba, Shir bilow u noqon doona in daboolka laga qaado Khayraadka Somaliland ayaa ka qabsoomay Whitehall, London . ee boqortooyada Ingriiska.”

Mudane Xirsi Cai Xaaji Xasan waxa kale oo uu intaa ku daray “Dhanka Dalkeena Somaliland si aynu u muujino inta aynu diyaar u nahay Maalgashi Caalami ah isla markaana caalamka u tusno inta ay inaga go’an tahay soo dhawaynta Shirkadaha danaynaya Somaliland, waxaa kulanka ka qaybgelay Madaxweynaha Dalkeena Somaliland H.E Axmed Maxamed Maxamoud oo aan ku wehelinayno todoba kamida Golihiisa Wasiirada, sidoo kale si kor loo abuuro xidhiidho dhex mara Shirkadaha dalkeena iyo kuwa dalalka kale ee aduunka waxaa kulanka ka qaybgelay Ganacsato reer Somaliland ah.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay “Dhanka kale waxaa kasoo qaybgelay Masuuliyiin tiro badan oo uu u horkacayo Wasiirka Boqortooyada Ingriiska u qaabilsan Africa, Danjiraha Boqortooyada Ingriiska u Qaabilsan Arimaha Somaliland iyo dalka aynu jaarka nahay ee Somalila iyo sidoo kale shirkado ganacsi oo ka kala yimid dalal kala duwan oo adduunka ah kuwaasi oo danaynaya inay maalgashadaan dalkeena

Somaliland.”

Mudane Xirsi waxa kale oo uu sheegay in ay ka soo qayb galayaasha uga warameen xaalada guud ee Somaliland iyo taariikhdeeda, “Ugu horayn waxaanu si guud mar ah uga waranay Somaliland iyo Taariikhdeeda iyo sida ay u tahay dal ka duwan Mindiqada ay ku dhex taalo, Waxaanu warbixin mug dheer ka siinay sida Somaliland ku timid iyo sida ay u tahay xaqiiq ku dhisan rabitaan umadeed isla

markaana aanay ahayn mid jiritaankeeda shuruud ku xidhan tahay ““Ictiraaf”!  

“Sidoo kale waxaanu si balaadhan caalamka u tusnay astaamo keeni kara Maalgashi caalami ah oo lagu sameeyo dalkeena Somaliland oo ay kamid yihiin Nabada iyo Dimuqraadiyada ka jirta dalkeena,  qodobadaas oo dabcan ah shuruudaha aasaasiga u ah in lagu soo dhiirado imaatinka iyo maalgashiga shirkad dal kale ku samaysato Waxaanu si qoto dheer dhinacyo kala duwan uga tusnay xeerarka maalgashiga ee dalkeena u yaala iyo sida suuqa Somaliland uu u yahay mid xor ah oo u furan tartan “Free and Competitive Market,” ayuu yidhi wasiirka wasaarada madaxtooyada Somaliland mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxaanu intaa ku daray “Waa dhab oo dalkeenu waa dal dihin oo daboolan isla markaana diyaar u ah in uu soo jiito indhaha shirkadaha caalamka, sidaas darteed, waxaanu soo bandhignay dhinacyada laga maalgashan karo iyo sida dal iyo dadba diyaar loogu yahay.”

 

 

 Wasiirka wasaaradda madaxtooyada Somailad mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa kale oo uu intaa ku daray “Intii kulanku socday waxaa sidoo kale ka hadlay qaar kamida shirkadaha hadda dalkeena jooga oo dabcan ka marag furay amniga iyo amaanka dalkeena ka jira iyo soo dhawaynta ay kala kulmeen dal iyo dadba Waxaa sidoo kale ka hadlay shirkado hadda diyaar u ah in ay maalgashadaan dalkeena Somaliland oo ay kamid tahay shirkad danaynaysa in ay maalgashato dekeda Berbera oo magaceeda la yidhaa Bollore Africa Logistics. Halkaas oo ay Masuuliyiinta Shirkadaasi ka sheegeen siday uuga go’an tahay maalgashiga Somaliland iyagoo arintaas ka hadlayana waxay yidhaahdeen: “Our vision for Berbera port is to be One of the best sea-ports in Africa with a Free Zone’.. Aragtida fog ee aanu ka leenahay Dekada Berbera waa in aanu ka dhigno dekeda uugu wanaagsan qaaradda Africa oo leh dhamaan adeegyada looga baahan yahay.”

“Gabogabadii Shirkan ayaa waxay shirkaduhu su’aalo la xidhiidha Xeerarka Maalgashiga ee dalkeena iyo shuruudaha dal ku galka  “Visa” Somaliland goobta kasoo jeediyeen.  

Nuxurkii Xidhitaanka Shirka ayaa noqday in la gaadhay wakhtigii lagu dhiiran lahaa maalgashiga Somaliland Isagoo arintaas ka hadlay Danjiraha Boqortooyada Ingriiska u qaabilsan Arrimaha Somaliland iyo dalka aynu jaarka nahay ee Somalia Mr Neil Wigan ayaa yidhi: “’Now is the time to be bold, brave and invest in Somaliland ,, waa la gaadhay Wakhtigii lala iman lahaa geesinimo ku filan in lagu dhiirado maalgashiga Somaliland.”

By. Axmed M. Saleebaan

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply