Ilmeyar Oo Ciidamada Amaanka Maraykanku Badbaadiyeen Iyada Oo Maydka Hooyadeed Ka Laalaaday Muddo 3 Cisho Ah

0
470

Ciidamada dalkaasi Maraykanka ee Amaanka ayaa badbaadiyey ilme yar oo hooyadii ka laalaad hooyadeed oo mayd ah,iyada oo intaas oo dhan jaqaysay naaska hooyadeed. Ciidamada ayaa gurigaasi gaadhey markii gabadha ilmaha dhashay la waayey muddo ,taas oo keentay in jaarku ay ciidamada u sheegaan,ka dibna waxa loo dhacay gurigii oo loogu tegey gabadhaas oo meyd ah ilmaha yarina ka lusho dhinac kamid ah sariirta ay saarayd. Baadhitaan lagu sameeyey ka dib ayaa la ogaadey in si kedis ah wadnuhu u istaagey gabadhaasi,waxaanay mayd ahayd gabadhani muddo saddex cisho ah,iyada oo ilmaha yarina jirtey 10 cisho. Gabadhan ayaa la sheegay in muddo ka hor umusheeda laga soo daayey jeelka,iyada oo hore loogu qabsaday ninkeedii oo dhintay,mudada ay umusha ahaydna ay ahayd intii ay ka sokaysay jeelka. Sidaasna waxa lagu daabacay jariirada lagu magcaabo Daily Mail oo laga lee yahay dalkaasi Ingiriiska.

Leave a Reply