Xisbiga Mucaaridka ugu Wayn oo Diiday Natiijada Doorashada Musambiig

0
416

Xisbiga mucaaradka ah ee ugu weyn dalka Mozambique ee Renamo ayaa diiday natiijadii ka soo baxday doorashadii madaxweynenimo iyo tii baarlamaanka ee ka dhacday dalkaasi Arbacadii.
Waxa uu xisbiga sheegay in doorashadaasi ay hadheeyeen cod ku shubasho.
Natiijo hordhac ah oo uu soo saaray guddiga doorashada dalkaasi ayaa muujineysa in xisbiga talada haya ee Frelimo, uu boqolkiiba labaatan ku horeeyo codadka la xisaabiyay ilaa iyo hadda.
Muddo ka yar 24 saacadood kaddib markii la xidhay goobihii codbixinta ee dalka Mozambique, oo aheyd doorasho si xooggan loogu tartamay, ayaa xisbiga mucaaradka ee Renamo waxa uu sheegay in uusan aqbaleynin natiijada ka soo baxda doorashada.
Afhayeenka xisbigaasi Antonio Mshanga, ayaa u sheegay BBC-da in ay diiwaan geliyeen kiisas badan oo ah isdaba marin, taas oo uu sheegay in ay baabi’inayso hannaankii doorashada oo dhan.
Waxaa ka jiray qeybo ka mid ah dalka rabshada aan badneyn oo ka dhacayey goobaha lagu tirinayay cododka, habeenimadii Arbacada.
Booliska ayaa isticmaalay sunta dadka ka ilmeeysiisa si ay u kala eryaan dhalinyaro rabshado sameynayay, iyagoo goob joogayaasha caalamka ka socday ay sheegeen in dhacdooyinkaasi aysan dhaawaceynin natiijada ka soo baxi doonta doorashada.
Bishii hore, ayaa xisbiga mucaaradka ah ee Renamo waxa uu saxiixay heshiis nabadeed kaddib markii ay wadeen muddo laba sano ah kacdoon ay kaga soo horjeedaan dowladda.
 

Leave a Reply