Caanaha lo'da oo la ogaadey inay yihiin dawo laga hor tagi karo cudur sidaha HIV

0
596

Caanaha lo’du waa il muhiim ah oo laga helo maadooyinka Calcium-ka iyo Faytamiin D, waxaanay khubaro saynisyahanno ah sheegeen inay ka heleen caanaha lo’da in dadku kaga hortagi karaan fayraska dhaliya cudurka AIDS-ka ee HIV.
Cilmi-baadhayaashan waxay heleen in caanaha lo’da loo isticmaali karo in lagu soo saari karo waxyaabaha cudurrada difaaca ee la yidhaa Antibodies, kuwaasoo si gaar ah hab-dhiska difaaca uga caawinaya ka hortagga cudur-sidaha HIV.
Khubaradani waxay sheegeen in tallaabada kale ee ay ogaadeen tahay in caanahan laga samayn karo kiriimo dumarku iskaga difaaci karaan HIV.
 
 
Kooxda daraasaddan sameeyey oo ka tirsan Jaamacadda Melbourne University, ayaa iskaashi dhinaca shaqada ah la samayn doona mac-hadka noolaha iyo tiknoolajiyadda ee Ummoron LTd oo laga leeyahay dalka Australia.
 
Dr. Marti Kramski oo khubaradan hoggaaminayey ayaa sheegay in sac rimman ay ku mudeen boratiin ka kooban fayraska HIV, kadibna baadhitaan ku sameeyeen caanihii u horreeyey ee sacaasi soo saaro markii uu dhalay kadib.
Caanaha ugu horreeya ee loo yaqaan dambarka waxa dabiiciyan ku jira waxyaabaha cudurrada ka hortaga (Antibodies) si ay ilmaha dhasha ay uga difacaan cudurrada.
Dr. Marti waxa uu sheegay in sac ay ku mudeen faytamiinka HIV uu soo saaray caano ay ku jiraan HIV Antibodies oo macnaheedu yahay waxay ka hortagi karaan cudursidaha HIV.
“Waxaannu awoodnaa in aannu abuurno Antibodies cudurrada difaaco, gaar ahaan boratiin lagaga hortago HIV, kuwaasoo noqon kara caanaha lo’da. Waannu tijaabinnay arrintan, waxaanuna ku helnay tijaabadii laabka aannu marinnay in caanaha saca lagu mudo faytamiinada HIV-ga ka kooban ay la dagaallami karaan cudurka dhaliya AIDS-ka,” ayuu yidhi Dr. Marti
Guud ahaan caalamka oo ku dhowaad 30 milyan oo qof la nool yihiin HIV ayaan ilaa hadda loo hayn daawo rasmi ah oo lagu dabiibo, balse daraasaddan oo ay taageereen xarunta AIDS iyo jooniska ee dalka Australia iyo mac-hadka NHMRC, ayaa noqonaysa mid haddii lagu guulaysto faa;iido soo kordhinaysa.
 
 
 

Leave a Reply