Google Oo La Xaqiijiyay In Saddexdii Bilood Ee La Soo Dhaafay Faa’iiday 2.8 Bilyan Oo Doolar

0
398

Sharkada Google ayaa  samaysay barnaamijyo ay kor ugu qaadayso adeegyada ay bulshada u qabato taas oo horsed u noqotay inay samayso horumar maaliyadeed oo ay hesho faa’iido aad u tiro badan taas oo saddexdii bilood ee ina soo dhaafay oo kaliya samaysay faa’iido dhan 2.8 Bilyan oo doolar.
Sarkaal dhaqaale oo ka tirsan Google oo la yidhaah Patrick Pique ayaa yidhi “Waxaan sii wadaynaa koboc dhaqaale ee mustaqbalka ee aynu ka helayno ogaysiisyada iyo mashaariic naga soo baxaya.”
Waxaa xusid mudan in faa’iidada Google ay ahaayeen qiimaha hantida maguurtada ah oo si aad ah u saameysey koboc, sida xarumaha xogta, iyo qiimaha sare ee qalabka loo isticmaalay shaqada, taas oo kor u kacday 37 boqolkiiba marka la barbar dhigo sannadkii hore.

Leave a Reply