Sharkada Toyota Oo Ku Dhawaad Laba Milyan Oo Gaadhi Ka Ururinaysa Suuqyada Cilado Ku Yimid Awgood

0
392

Shirkada Gaadiidka samaysa ee Toyota ayaa ku dhawaaqday inay suuqyada ka uruurinayso baabuur badan oo ay hore usoo saartay taas oo ay sabab u tahay cilado ku yimid dartood.
Tiradan gaadiidka ah ee ay ciladu ku timid ayaa gaadhaya 1,750,000 gaadhi (hal milyan iyo toddoba boqol iyo konton kun oo baabuurta) adduunka oo dhan, sababta oo ah waxa lasoo daristay cilado laga dareemay qasabadaha shiidaalka iyo ijiinada.
Shirkaddu waxa sheegtay in ceebaha lagu arkay gaadiidkan ay soo saartay oo ay kka mid yihiin noocyada Crown Magista, Foxy,  iyo kuwo kale kuwaas oo ay sharkadu  soo saartay  intii u dhaxaysay 2007 iyo 2012.
Tanni ayaa ah mid carqalad dhaqaale ku keenaysa guud ahaan dhaqaalaha Sharkada.
 

Leave a Reply