Sarkaal ka Tirsan Alqaacida oo lagu Dilay Afghanistan

0
491

Saraakiisha sirdoonka Afghanistan ayaa sheegay in taliye sare, oo ka mid ah Al-qaeda la dilay.
Abul Bara Al- Kuwaiti, ayaa ku dhintay howgal militariga Afghanistan ay ka sameeyeen gobalka Nangahar ee bariga Afganistan galinkii dambe sabtida. Waxaana lagu sheegay taliyaha Al-qaeda ee Afganistan iyo inay ehel yihiin hogaamiyaha kooxda, Ayman Al’zawahiri. Saraakiisha Afganistaan ayaa sheegay in sidoo kale ay la wareegeen hub iyo waraaqo dokumenti ah.
Dhinaca kale, saraakiisha bariga Afganistan ayaa sheegay in kooxda Taliban ay weerareen dhowr goobaha ammaanka ah gobalka Logar hortaantii Axadda.
Ugu yaraan afar askari ayaa ku geeriyootay dagaal degmada Charkh kaasi oo socday 10 saacadood.
Afhayeen u hadlay degmada ayaa BBC-da u sheegay inay ahaayeen boqolaal xagjiriint ah. Khadadka teleefoonka ayaa la jaray, isgaartiinta halkaasi oo dhanna weli waa go’an tahay.
 

Leave a Reply