Shiinaha Oo Noqday Dalka Hogaaminaya Dhaqaalaha Aduunka

0
435

Dawladda Shiinaha, ayaa markii u horraysay tan iyo sannadkii 1872 kaga guulaystay dalka Maraykanka hoggaaminta dhaqalaha caalamka siday iftiimisay warbixin ay soo saartay Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF (International Monetary Fund).
Maraykanku waxa uu ahaa waddanka hoggaanka u haya dhaqaalaha dunida, isagoo sannadkii 1872 kaga guulaystay Ingiriiska, wixii ka dambeeyeyna aan cid ka qaadin, balse waqtigan waxa uu ku dhacay kaalinta 2aad, waxana booskiisii koowaad ka riixday Shiinaha.
Warbixin-xisaabeed hay’adda IMF soo saartay sannadkan waxay iftiimisay in dalka Shiinaha dhaqaalihiisu kor u kacay, noqdayna £11trillion lacagta Ingiriiska, halka Maraykanku noqday £10.8trillion.
Shiinaha oo dhaqaalihiisu xawli aad u sarreeya tobanaankii sanno ee u dambeeyey ku socday waxa uu horumar ka gaadhay xagga shirkadaha wax-soo-saarka, taasoo keentay inuu hoggaanka u qabto dhaqalaha adduunka, waxaanay IMF sheegtay in sannadka 2019 uu gaadhi doono dhaqaalaha Shiinuhu £16.7trillion oo lacagta Ingiriiska ah, taasoo sabab u noqon doonta inuu 20% xagga dhaqaalaha kaga sarreeyo Maraykanka oo lagu sadaaliyey inuu sannadkaas gaadhi doono £13.8trillion.
Khubarada dhaqaaluhu waxay la yaabeen in si fudud muddo haatan laga oogo 150 sannadood Maraykanka lagaga guulaysto hoggaaminta dhaqaalaha adduunka.
Shiinuhu waxa uu soddonkii sanno ee u dambeeyey ku sii socday dhaqaale koboc xagga warshadaha ah, iyadoo caalamka kale ka jirto dhaqaale burbur aad u baahsan, waayo waxa dalkaas ka jira shirkado aad u badan oo alaabooyinka ay soo saraan Bariga Dhexe iyo caalamka kaleba loo iib-geeyo.
Madaxa Dhaqaalaha ee IMF Mr. Olivier Blanchard, ayaa walaac ka muujiyey in dhaqaalaha kordhay aanu u kobcin sidii sannadii 2000, gaar ahaan dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska ay maaliyadood hoos-u-dhac badan ku yimaaddeen, taasina fursad siisay in Shiinuhu  koboc dhaqaale oo weyn uu sameeyo.
 
 
 

Leave a Reply