Shimbiro Quudaya Kaluun Badda Ku Jira

0
406

Wargeyska Dail Mail ayaa daabacay arin aad u yaab badan soon jiidatay dad badan.  Wargeyska ayaa muujiyay in shimibraha madmadow ee loo yaqaano Swansea ay cunto ku quudayaan kaluun badda ku jira.  Kaluunka ayaa usoo diyaargarooba cuntadaasi, ka dibna shimbiraha oo kooxo ah ayaa mid mid ugu quudaya cunto ay afkood ku sidaan kaluunka soo baxay.
 
Waxaana wargeyska cadeeyay in shimbirahani mudoo badan ay sidan u quudinayeen kaluunka oo ay u keenaan cunto uu jecel yahay. Ugu danbayntiina koox ka shaqaysa arimaha dabiiciga ah ayaa cadaysay inuu jiro xidhiidh muqadas oo ka dhexeeya shimbiraha iyo kaluunka oo ilaa haddana aan cadayn.

Leave a Reply