Rasuulka (scw): Iyo Tarbiyadda Ubadka

0
442

Rasuulka Allah (scw) ayaa Yaman u diray labada Saxaabi ee Abu-Muse Al-shcari iyo Macaad waxaana uu ku yidhi:”  Wax fududeeya oo adadayga iska dhaafa, wax bara dadka oo ha kala eryina” Muslim/Bukhari.
Saxaabiga Anas Binu Malik oo Nebiga (scw) adeega u ahaa waxa uu yidhi: Weligii nebigu cid ma garaacin.  Rasuulka Allah (scw) wuxu ahaa mid caruurta maaweeliya, la sheekaysta, tixgelina siiya.
Kitaabkiisa la yidhaa Tarbiyadda Carruurta ee uu qoray Sh.Cabdalla AL-Calawaan Bogga 761,  waxa uu ku qoray: “ ilmaha oo lagu isticmaalo xoog iyo dagaal bilaa xad ah, waxay ka dhigtaa mid fulaya oo calool nugul oo aan waajihi Karin culayska nolosha iyo masuuliyaadka dusha ka saaran. Caalimka weyn ee arrimaha bulshada Ibnu Khalduun wuxu isna yidhi :” Hadii ilmaha dadka tarbiyaynayaa ay ku badiso dagaalka iyo hatigaada waxa ay ku keentaa habayacnimo iyo karti la’aan,Waxay ka dhigtaa mid beenaale ah oo aan dhaqan wanaagsanayn cabsi uu ka qabo awgeed in la garaaco.
Dagaalkaas joogtada ah ee lagu hayo ayaa baraya khiyaamada  iyo sida wax loo dago. Sidaas awgeedna waxay taasi noqonaysaa caadadiisa burburinaya dhaqankiisa iyo macanaha insaaniyadiisa. Rasuulkuna (scw) wuxu xadiis ku yidhi “karaameeya carruurtiina oo wanaajiya edaabtooda”      Waxa weriyay Ibnu Maaje.

Leave a Reply