Khilaaf Ka Taagan Murrashaxa Madaxweyne Ku xigeenka WADDANI

0
377

Hargeysa (DAWAN)- Guddoomiye ku xigeenkii ururkii doorashadii deegaanka  ku hadhay ee Rays Mr. Saleebaan Xasan (Qulumbe) ayaa  Shalay Boorame ka cadeeyay in uu u taagan yahay jagada madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga mucaaridka ee Waddani, taasina waxay xoojinaysaa tartanka loogu jiro mansabkaasi oo ay u ordayaan siyaasiyiin kala duwan oo ka soo jeeda gobolka Awdal.
Mr.  Qulumbe oo arrintaasi faahfaahinayay waxa uu yidhi “Dhawaan baan xisbiga ku soo biiray waxaanan cadeynayaa inaan keli ku ahayn damaca jagada madaxweyne ku xigeenka xisbiga.Dhawr qof baanu ku nahay balse kala saaristu waa mid sharci ahaan u taala gudida fulinta ee xisbiga iyadoo wali laga wada dhursugaayo shirka gudida fulinta iyo golaha dhexe ee xisbiga sida rasmiga ah lagu shaacinayo cida noqonaysa,  waana mid furfuran oo qof kastaa oo ka mida gudida fulintu xaq u leeyahay balse aan cadeeyo inaan u taagan nahay jagada m/xigeenka ee xisbiga Waddani.”
 
Geesta kalena waxa toddobaadkii hore shirar uu ugu gogol xaadhayo murrashaxnimadiisa Madaxweyne Ku xigeenka ka waday gobolka Awdal Guddoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Waddani Axmed Muumin Seed, oo madax-dhaqameedka beeshiisa iyo taageereyaashiisa kulan wada tashi ah Boorame kula qaatay Guddoomiye Cirro oo la xaqiijiyay inay u bandhigeen in murrashaxnimadda jagada madaxweynaha ee xisbiga aan lagula tartamin Guddoomiye Ku xigeenka koowaad oo ay ku doodeen inuu xaq ku leeyahay xisbigaasi oo uu ka mid ahaa aasaaseyaashiisii dhidibada u taagay.
Dhaqdhaqaaqyadan loogu jiro murrashaxa madaxweyne Ku xigeenka UCID, waxa uu noqon karaa qumbulad khilaaf weyn ka dhex abuuri karta xisbigaas xiligan, iyadoo Guddoomiye Cirro aanu wali go’aansan cida uu jagadaasi u xulanayo.
Dawannews Hargeysa office
 

Leave a Reply