Inkasta oo lagu jiro wakhti casri ah oo heer aad u sareeya laga gaadhay Technooljiyada, macluumaadka iyo curinta wixii cusub, haddana weli dunida waxa jira bulsho iyo umado ku dhegan caadooyin gaboobay iyo dhaqamo la yaab leh.
Bulashda Igorot ee dalka Philipin ayaa aaminsan in maydka dadka ka dhinta laga soo laalaadiyo casayaasha buuraha dhaadheer , iyagoo taasina sabab uga dhiga inay tani u fududaynayso inay janada galaan. Caadadan ayaa la sheegay inay bulshadani aaminsanayd muddo dheer oo aan ka yarayn 2000 Sano.
Waxa kale oo dhaqan u ahayd in Maydka kursi lagu fadhiisiiyo oo buurtana la saaro, halkaasi oo uu muddo dhawr maalmood ay dadka oo dhami ku arki jireen, markaasi ka dibna ay ku ridaan sanduuq ka dibna buurta la dhigo.