Khubaro kuwa Giriiga ah oo helay Madax kamid ah madaxyadii Waxyaalo ay Dadkaasi Caabudi jireen

0
469

Wasaaradda dhaqanka ee dalkaasi Giriiga ayaa sheegtay in la helay mid kamid ah madaxyada waxyaalihii berigii hore dadka Giriigu caabudi jireen oo lagu magcaabo Sphinx,waxaana madaxan helay qaar kamid ah culimada ataatarta raadisa ee dalkaasi Giriiga oo dhowaanahanba baadhitaano ka wadey qaybo kamid ah wadankaasi.
 
Madaxan ayaa laga helay meel god ah oo ku taala Waqooyi barri dalkaasi Giriiga, iyaga oo kooxo culimo kuwa taariikhaha raadiy ahi ay galeen godkaas,waxaanay sheegeen kooxahan khubaradda ahi waxay sheegeen inay ka heleen meel wax yar uun u jirta meel hore looga waxyaalo ku saabsanaa taariikhda Alexandar-kii weynaa,waxaanu ku yaalaa godkaasi meesha lagu magcaabo Amphipolis oo ah meel 100 km u jirta magaalada labaad ee dalkaasi Giriiga oo la yidhaahdo Thessaloniki.
 
Waxaanay sheegeen kooxahan culimada ah ayaa sheegay inuu qabrigani yahay kii ugu weynaa ee la helo,iyaga oo sheegay inay sii wadayaan baadhitaanka dhulkan laga raadinaayo waxyaalaha qadiimiga ah.
 
Waxaanay sheegeen inuu ka samaysan yahay dhagaxan madaxa ahi ciid adag oo casaan xigta,taas oo ay hareero yaaleen kuwo kale oo ay u malaynayaan inay yihiin gacmo baaba’ay oo isagu lahaa.
Kooxahan khubarada ah ayaa bilaabay shaqada baadhitaanada ee dhulka lagu qodaayo sannadkii 2012 kii iyaga oo markaasna helay mid kamid ah waxyaalihii ay caabudi jireen dadkaasi Giriiga ku noolaa.
 
Waxaanay sheegeen in waxyaalaha ay heleen yihiin kuwo jiray  300 ilaa 325 sanno milaadiga ka hor.

Leave a Reply