Madaxweyne Xigeenka Oo Shahaadooyin Gudoonsiiyay Arday Ka Qalin Jabisay Jaamacadda Hope

0
390

Hargeysa(Dawan): Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)  ayaa shalay  Shahaadooyin  gudoonsiinayay 104-Arday oo ka qalin jabiyay  Jaamacadda Hope ee magaaladda Hargaysa.
 
Sidoo kale waxaa munaasibadaasi ka soo qayb galay  xubno ka mid ah golaha wasiirradda, maamulka iyo macalimiinta jaamacadda Hope, waalidiin iyo marti sharaf kale.
Ardayda qalin jabisay oo  tiradoodu dhamayd   104 Arday  ayaa dhamaystay saddex Kuliyadood oo ka mida kuliyadaha ay bixiso Jaamacadaasi, waxaana xafladda sagootinta loogu qabtay hudheelka Mansoor ee magaaladda  Hargeysa.
Madaxweyne ku xigeenka  oo hadal ka jeediyay xafladaasi ayaa  hambalyeeyay ardayda qalin jabisay, waxaanu u soo jeediyay in ay kaalintoodda ka qaataan horumarka dalka. Isaga oo u hogo-tusaaleeyay sida ay muhiimka u tahay in dhalinyaradu ay dalkooda u shaqeeyaan.
Waxaanu yidhi “Hambalyadda koowaad waxaa leh cida maanta (shalay)  loo dabaal-degayo oo ah 104-arday ee halkan ka qalin jabiyay, waxaanan leeyahay hambalyo hambalyo. Maadaama oo aynu nahay dal aan la ictiraafsanayn waxaa ina saaran masuuliyad wadareed haddii aynu reer Somaliland nahay dhamaanteenba, oday, innan, culimo iyo carruurba, dhamaanteen masuuliyad ayaa ina saaran, masuuliyadda ina saaranina waxay tahay in nin waliba hagar-daamadda ka daayo oo dalkani sidii uu horumar u gaadhi lahaa ka shaqeeyo oo uu wax ku darsado,”.
Isaga oo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Haddii aynu noqo ummad dhan oo xoogeedii cidlo fadhiyo, oo aan waxba qabanaynin oo uu xoogeedii khasaare uga baxayo, markaa nin waloowba waxaad ogaataa in aad qayb ku leedahay khasaarahaasi inagu dhacay. Waxaa looga baahan yahay dhalinyaraddu in aydaan fadhiyin ee aad dalka wax ku tartan, oo xataa muadadda shaqo aad leedahay aad samaysanayso ama tu dawladeed aad helayso, waa in aad shaqaysaa oo intii aad fadhiyi lahayd ee aad jiifi lahayd cid uun aad wax ku tartaa”.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply