Wasiirka Daakhiliga Oo Dardaaran Adag Ku Sabootiyay Xoghayeyaasha Dalka Oo Uu Kulan Ugu Soo Xidhay Hargeysa

0
413

Hargeysa (Dawan):  Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa shalay kulan hawleed usoo gebo-gebeeyey xoghayeyaasha gobolladda iyo degmooyinka dalka, kaasoo muddo shan maalmood ah uga socday xarunta wasaaraddaas.
Kulankan oo ay ujeedadiisu ahayd la xidhiidhay sidii ay xoghayeyaasha dawladdaha hoose u dardar-gelin lahaayeen hawlaha ay masuulka uga yihiin wasaaradda arrimaha gudaha oo qaranka uga masuul ah horumarinta gobollada iyo degmooyinka, isla markaana ay u diyaarin lahaayeen miisaaniyadda dawladdaha hoose ee dalka, si loogu xisaabtamo mashaariicda horumarineed ee jira. isagoo wasiirku tilmaamay doorka ay xogheyeyaashu ku leeyihiin xukuumadda dhexe. “Waxay xoghayeyaashu iigu kala dhawaan doonaan sida ay shaqadooda uga soo baxaan maalin kasta, su’aalaha ugu badan ee aan xarunta wasaaradda kaga jawaabaa waa xoghaye hebel naga bedel, maanta wixii ka dambeeya waxaan kula xisaabtami doonaa nin walba faylka uu leeyahay, waxaan idinku amrayaa in shaqadiinu sida ay tahay aad uga soo baxdaan oo aydaan cidna uga habran, maayarka waxaa idinka dhexeeya wada shaqayn, waxaana idiin dhexeeya sharci, awooddaha sharcigu idin siiyayna sidooda u isticmaala, cabashada aad idinku ii keenteena ee ku saabsan shaqada aad qaranka u haysaan, intii karaankayga ah waan dhamaynayaa.” ayuu yidhi wasiirka arrimaha gudaha oo boorinayay xoghayeyaasha gobollada iyo degmooyinka ee kulanku u dhamaaday.
Wasiirku waxa kale oo uu xoghayeyaasha kula dardaarmay inay doorkooda ka qaataan diwaangelinta muwaadinka marka hawshaas laga bilaabo gobollada iyo degmooyinka dalka, isla markaana qof aan sidan dhalashada Somaliland wax sharci ah oo xafiisyadooda ku saabsan aanay u fullin, oo ay kaalintooda ka qaataan sidii ay muwaadiniintu u qaadan lahaayeen kaadhka dhalashada oo ah shaqo ay dawladdaha hoose la wareegi doonaan mustaqbalka.
Gabagabadii kulankaasi waxa uu wasiirku ka dalbaday xoghayeyaasha dawladdaha hoose ee dalka in diyaarinta misaaniyadda gobollada iyo degmooyinka ay ku keenaan xilliga loogu talo galay. Sidoo kale waxa uu wasiirku ka hadlay awaamiir uu hore uga soo saaray bilicda magaalooyinka oo uu sheegay inuu qaar dambena ka soo saari doono.
Dhinaca kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka gobollada iyo degmooyinka Cismaan Garaad Soofe, wasiir ku-xigeenka amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha Cali Maxamed Cismaan iyo agaasimaha guud ee wasaaraddaas Cabdisamad Cumar Maal, waxaanay kula dardaarmeen xoghayeyaasha inay xil iska saaraan adkaynta nabadgelyada iyo horumarinta, waxaanay ballan qaadeen in kulamada noocan ahi ay joogto noqon doonaan, lana samayn doono guddi kormeerta.
By. Idiris M. Xasan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply