Maraykanka oo Awaamiir ka soo Saaray Dadka kaga Imanaya Galbeedka Afrika

0
392

Dawladda Maraykanku waxa ay sii kordhisay xadidida ay xadidayso dadka kaga imaanaya wadamada galbeedka Afrika ku yaala ee uu sida aadka ah u saameeyay xanuunka Ebola.
Waaxda arimaha gudaha ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay in dadka si toos ah uga soo duulaya wadamada Gini, Sirelyoon iyo Layberiya ee u socda Maraykanka in ay qasab ku tahay in ay ka degaan mid ka mid ah shanta garoon ee baadhitaanada caabuqa Ebola laga fulinayo.
Afhayen u hadashay waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Marie Harf, ayaa sheegtay in go’aankaas fulintiisa ay bilaabi doonaan Arbacada shalay.
Dhanka kalena Hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegeysa in daaweynta loo adeegsanayo tijaabada dhiig laga qaaday dadka Ebola ka soo kabtay inay diyaar ka noqon karto galbeedka Afrika isbuucyo gudahood.
Xubin xare oo ka tirsan WHO, oo lagu magacaabo, Dr Marie Paule Kieny, ayaa sheegtay in agabka loo diyaariyay in lagu hagaajiyo dhiig uu ku jiro unugyo Ebola, kaddibna loo bedelo tallaalo lagu caawiyo dadka qaba cabuqa Ebola.
 

Leave a Reply