QM oo Baadhaysa Duqaymihii Xarumaheeda Qaza

0
451

Xoghayaha  Guud ee Qaramada Midoobay ayaa bilaabaya baadhitaano ku saabsan weeraradii loo gaystay xarumihii qaramada midoobay intii uu socday dagaalkii dhawaa ee Israa’iil ay ku qaaday Qaza.
Ban Ki-Moon, ayaa hadda ka soo noqday Qaza isaga oo halkaasi ku tagay booqashadii ugu horaysay tan iyo intii uu dagaalku halkaas ka qarxay.
Isaga oo la hadlaya Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxa uu sheegay in badhitaanadu ay sidoo kale eegi doonaan in Ururka Xamaas uu xarumahaas Qaramada midoobay u adeegsatay goobo ay hubka ku kaydsadaan.
Hal dhacdo oo kali ah, duqaynta ciidammada Israa’iil waxa ku geeriyooday in kabadan toban qof oo gabaad ka dhiganayay iskuul ay leeyihiin Qaramada Midoobay oo Qaza ku yaala.

Leave a Reply