Rasuulka (scw) Iyo Ninkii Reer Miyiga Ahaa

0
484

Rasuulka Allah (scw) ayuu u yimi nin reer miyi ahi isagoo Rasuulka waxa ka doonaya. Rasuulka Allah (scw) ayaa siiyay oo ku yidhi maku wanaajiyay ? Ninkii reer miyiga ahaa ayaa yidhi maya imaad wanaajin. Saxaabadii  Rasuulka (scw) ayaa cadhootay oo ku kacaday. Rasuulkuna (scw) wuxu u sheegay inay farah ka qaadan. Rasuulka (scw) ayaa gurigiisa galay oo u soo kordhiyay. Markaasi ayuu haddana ku yidhi maku wanaajiyay.
Ninkii reer miyiga ahaa aya ku jawaabay  haa Allah ha kaa abaalmariyo  adiga iyo ehelkaagaba.  Rasuulka (scw) ayaa ku yidhi wixii aad hore  u tidhi,  Asxaabatayda laabtood wax ayaa kaga hadhsane haddii aad doonaysid ka hor dheh waxaan aad imika tidhi. Maalintii ku xigtay ayuu ninikii reer miyiga ahaa u yimi Rasuulka (scw) wuxuuna Rasuulku (scw) yidhi,  ninkan reer miyigi ahi wixii uu yidhi, yidhi, waan u kordhiyay waxaana uu ii sheegay inuu raali noqday. Waar soo sidaasi maaha. Ninkii ayaa yidhi haa adiga iyo ehelkaagaba Allah (sw) haka ablaamariyo .
Cadhada waa dhuxul dab ah oo qalbiga aadmiga ku jrta sidaasi ayuu Rasuulka (scw) u barayay asxaabtiisa duqaadka iyo in aan la cadhoon. Rasuulkuna noloshiisa weligii ma aargoosan, iyadoo xurmada Allah lagu xadgubo oo Alla h u aargooyo mooyee.

Leave a Reply