Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Wakiiladda Oo Ku Hanjabay In ay Guddoomiye Cirro Xilka Ka Xayuubinayaan

0
451

Hargaysa (Dawan): Xildhibaano ka tirsan golaha  Wakiiladda ee Somaliland  ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha golahaasi  C/raxmaan Maxamed C/laahi  (Cirro), ahna guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani  inuu jabiyay qodobo ka mid ah dastuurka iyo shuruucda golaha  ka dib markii uu dhalan rogay xeerkii diiwaangelinta madaniga iyo cod bixiyeyaasha ee goluhu ansixiyay, isla markaana uu  golaha guurtidda  u gudbiyay mid aan ahayn kii uu goluhu ansixiyay.
Waxaanay sheegeen xildhibaanadaasi in ay C/raxmaan Cirro ku soo oogayaan mooshin ay xilka kaga xayuubinayaan haddii aan wax laga qaban sharci jebinta uu ku kacay.
Xildhibaanadaasi oo kala ahaa  C/raxmaan Cismaan Caalin, xildhibaan  Cali Xasan Aadan, xildhibaan Cali Bare iyo Xildhibaan Ibraahin Caraale (Ruush), oo shalay  shirjaraa’id ku qabtay   xarunta golaha  Wakiiladda ee magaaladda Hargeysa ayaa waxay sheegeen in  ay mooshin  maamuus ka xayuubin ah ku samayn doonaan guddoomiye Ciro, haddii aan la gudo-gelin dastuur jabinta uu ku kacay.
 
Ugu horayn Xildhibaan C/raxmaan  Cismaan Caalin oo   shirkaasi jaraa’id  ka hadlay ayaa   tilmaamay in guddoomiye Cirro   waxa aan hore ugu dhicin golaha Wakiiladda ku sameeyay, isla markaana uu dhaln-gediyay xeerka diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo diiwaangelinta muwaadiniinta.
Isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Aniga iyo xildhibaanadda halkan fadhiya oo wakiil ka ah magacoodana ku hadlaya 54 mudane ee xisbiga Kulmiye ee ka mid  ka ah golaha Wakiiladda waxaanu doonaynaa in aanu ka hadalno  arrin ugub  ah oo inagu cusub oo waligeed intii Somaliland  jirtay hore uga dhicin, golaha baarlamaanka sida ay ku wada shaqeeyeen arrin qarsoodiyana ma aha laakiin baryahanba  saxaafadu way qoraysay oo waa lala socday, arrintaasi waxa weeye xeerkii diiwaangelinta muwaadiniinta iyo codbixiyeyaasha oo ugu danbeeyay xeer golaha wakiilada yimaada oo doodiisu soconaysay,  4 cisho oo sagaal qodob kaga baxay golaha wakiilada iyo qodobo go’aan gole ah oo madaxweynaha loo gudbiyay oo aan xeerka gacan iyo 8 qodob oo kale golaha wakiiladda ku ansixiyey. Maalinta iyadoo mawduuc kale oo xaasaasiya iyo golaha horyaalaan oo ay ka mid yihiin miisaaniyadda iyo ansixinta xubnihii Komishanka doorashooyinka cusub ee la magacaabay ayaa guddoomiyuhu markii la codeeyay xidhay golaha oo yidhi fasax ayaa lagu jiraa, labadaa qodobna qabyo ayaa lagaga tegay”.
C/raxmaan Cismaan Caalin oo hadalkiisa sii watay  waxa uu yidhi “Afar cisho ka dib ayaa la ii soo sheegay in xeerkii aanu gudbinay ee golaha wakiialdu ansixiyay, in xeerka loo gudbiyay golaha guurtida in aanu ahayn kii aanu ansixinay ee uu yahay mid ka gedisan,  waxa ay nagu noqotay fajac oo waxaanu garan waynay waxa kalifay in arrintaa noocaasi ahi ay dhacdo.  markii arrrintu halkaa maraysay waxa aanu golaha guurtida u gudbinay qoraal ay ku saxeexan yihiin 50 xildhibaan oo aanu guurtida ku leenahay xeerka la soo gudbiyay ma aha kii golaha  wakiiladu u codeeyay, waxaanan ku cadaynaya in xeerka guddoomiyaha golaha wakiilada gudbiyay in aanu  ahayn xeerkii goluhu u codeeyay waanay soo celiyaan golaha guurtida xeerkii warqad baanay soo raaciyeen ay leeyihiin xeerkaa dib ugu noqda, maadaama uu shaki ka jiro”.
Xildhibaan Ibraahim Caraale Ruush, oo isna halkaasi ka hadlay waxa uu sheegay xeerka diiwaangelinta muwaadiniinta iyo ka codbixiyeyaasha ay golaha wkaiiladu cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen 30 kii bishii hore, loona cadeeyay xeerkii ka yimid xukuumada iyo lifaaqii golaha iyo sidoo kale qodobkii ay ku heshiiyeen madaxweynaha iyo xisbiyada mucaaridka ahi.
Waxa uu tilmaamay xildhibaan Ruush in ay nasiib dorro iyo wax lala yaabo tahay in markii xeerkaasi loo gudbiyay golaha guuertidda la ogaaday in xeerkii  la dhalan gediyay, isla markaana lagu xad-gudbay go’aamaddii uu golaha wkaiiladu  gaadhay, laguna daray qodobo dheeraad ah halka qaar kalena laga saaray.
Xildhibaan Ruush, oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaa ayaan darro ah oo lama filaan ah, oo cidii maqashayba ay la yaabtay in markii xeerkii loo gudbiyay golaha guurtida la ogaaday in uu yahay xeer la dhalan gediyay, oo lagu xad-gudbay go’aamadii golaha wakiiladdu gaadhay, iyadoo lagu daray qodobo dheeraad ah, xeerkii aanu anagu ansixinay waxa uu ahaa 44 qodob, xeerka guurtidda lo gudbiyayna waa 46 qodob. Waxaana lagu daray laba qodob oo dheeraad ah. Waxa kale oo lagu daray cutubyo cusub, cutub loo bixiyey cutubka 4aad oo aan xeerka ku jirin ayaa lagu daray, waxaa lagu daray faqrado cusub, waxaa wax laga bedelay faqraddo hore oo jiray, waxaa la tirtiray qodobo hore oo jiray, qodob sheegaya in uu nasakhayo kii hore ayaa laga tirtiray oo meeshaba laga saaray. Ayaa filayay guddoomiyihii golaha wkaiilada ayaa xeerkii ka soo baxay golihiisa dhogor-dhaamaya, oo wax ka beddelaya oo xeerkii golaha wakiiladu ansixiyay mid aan ahayn u gudbinaya golaha guurtida ayaa filayay oo fadhiyay murashax madaxweyne, guddoomiye xisbi mucaarid ah, guddoomiyaha xisbiga Waddani inuu xeerkii golaha wakiiladu ansixiyay inta uu aqal madaw la galay oo uu faynuus u shitay oo ku dul feegaray”.
Xildhibaan Ruush ayaa dastuur jabin iyo khiyaamo qaran ku tilmaamay dhalan gediga uu Cirro ku sameeyay xeerkaasi,  waxaanu sheegay  inay guddoomiye Cirro xilka ka xayuubinayaan haddii   aan arintan uu ku kacay  xal laga gaadhin. “Waa dastuur jabin, waa khiyaamo qaran, waa warbixin iyo digniin uu Cirro naftiisa kaga warbixiyay qofka uu yahay iyo sida uu rabo beri in uu idiin xukumo, qofka masuulka ahi sideedaba wuxuu isbaraa shacabkiisa inta uu hayo xilka sare ama xilka qaran ee uu gacanta ku hayo, guddoomiyaha golaha wakiilada C/raxmaan Cirro, Guddoomiyaha xisbiga Waddani waxa uu golaha ka sameeyay waa bar madaw oo isaga ku taalla oo shacabkii ku qiimayn doono. “Khiyaamadan qaran ee dhacday oo laga wada hadlo mooyaane Golaha haddii la furo waxa ugu horeeyay ee Imanayaa waa xil ka xayuubin, waa Imbiijmankaaga, waayo? Wixii xilka lagaaga xayuubin lahaa ayaad ku kacday, adigoo iska maydha oo banaanka soo dhiga mooyaane haddaad isku daydo inaad gole hogaamiso ku tala gal in Xilka lagaa qaadayo” ayuu yidhi xildhibaan Ruush.
 
Sidoo kale  Xildhibaan Cali Xasan (Cali Bare),   oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu tilmaamay in    golaha guurtida u guddoomiye Ciro u gudbiyay aragtidiisa shakhsi  ama u  gaarka   ah, waxaanu sheegay in uu C/raxmaan Cirro jabiyay qodob dastuuri ah.
waxana uu yidhi “Golaha guurtida waxa loo gudbiyay mashruuc sharci oo golaha wakiialdu uu ansixiyay ayaa loo gudbin kara, go’aankii golaha wakiiladu uu gaadhay ee uu xeerka ku ansixiyay ayay ahayd in guurtida loo gudbiyo waxaana  guurtida loo gudbiyay rayi shakhsi oo guddoomiyaha Ciro taladiisii ayaa loo gudbiyay ee isaga gaarka u ahayd oo qarsoonayd, qodobkaasi waxa uu cadaynayayaa in qodob dastuuriya la jabiyay, madaxweynaha waxa xilka lagaga qaadaa khiyaamo  qaran iyo dastuur jabin. Guddoomiyuhu wuxuu jabiyay dastuurkii qaranka qodobka 78 ayuu jabiyay guddoomiyuhu waxa uu gudbin karaa oo saxeexi karaa, go’aan gole, go’aan gaar ah isagu ma laha waa xildhibaan  82 mudane ka mid ah”.
xildhibaan Cali Bare waxa uu tilmaamay in xisbiga Waddani carqaladaynayo in doorashooyinku ay wakhtigoodii ku qabsoomaan, isla markaana wixii eed ka timaadda dib-u-dhac ku yimaadda doorashooyinka in uu masuuliyadeedda yeelanayo guddoomiye Cirro.  waxaanu yidhi “Cidda  doorashooyinka hortagani  waa guddoomiyaha golaha wakiiladda iyo xisbigiisa Waddani in doorashooyinka la qabto, waayo waxa uu diiday in uu u gudbiyo  golaha guurtidda  si loo ansixiyo xeerkan. Waxaana uu baal-maray xeerkii goluhu u ansixiyey, waxa dhacay  budhcad xeer musuqmaasuq xeer ayaa dhacay, dambi qaran ayaa dhacay, caalamkana waxaanu  u  sheegaynaa wixii  eed ka timaadda doorashadda dib u dhaceeda  in guddoomiyaha golaha wakiiladu leeyahay”.
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply