Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Qirray In Guddoomiye Cirro Wax Ka Bedel Ku Sameeye Xeerkii Golahu Ansixiyey

0
412

Hargaysa (Dawan): Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble (Siciid Baabuur) oo ka tirsan  Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee ka soo baxay Xisbiga muxaafidka ah ee  Kulmiye, hase ahaatee ka mid ah xildhibaanada doolaalada   kula jooga Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa caddeeyey in Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu  kaabis iyo wax ka bedel ku sameeyey Xeerka diiwaangelinta muwaadiniinta iyo codbixiyeyaasha doorashooyinka, kuna daray qodobo aan ku jirin xeerkii Xukuumadu Golaha u soo gudbisay. Ka dibna uu sidaas ugu gudbiyey Golaha Guurtida.
Xildhibaan Siciid Baabuur waxa uu sidaa ku sheegay shir jaraa’id oo ay shalay isaga iyo xubno ka mid ah Mudaneyaasha aqalka ee taageersan Gudoomiye Cirro iyo Xisbigiisa Waddani ku qabteen xarunta Golaha Wakiiladda, waxaanu intaas raaciyey   in  aanu Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu   Mudaneyaasha u qaybinin Xeerka diwaangelinta Muwaadiniinta iyo Codbixiyeyaasha doorashooyinka, balse uu Guddoomiyahu u arkhriyey Mudaneyaasha, ka bacdina  xeerka  cod loo qaaday oo ay Mudaneyaashu ansixiyeen iyada oo aanu jirin Mudane qudha oo xeerkaas arkay.  Waxaanu intaas sii raaciyey in  Mudaneyaasha loo qaybiyey hadal qoraalkii dooda xeerkaas oo keliya, balse aanay  iyagu  wax kale  arkin ee uu Guddoomiyaha laftiisu xeerka ahaa markii uu Mudaneyaasha u akhriyey.
Siciid  Cilmi Rooble (Siciid Baabuur) oo ah nin waxba xeerin hadalkiisana u meel dayin, isla markaana siyaasada khalad ka fahmay oo u yaqaana been, wanjalaad  iyo indho adayg Ummadda lala hor yimaado ayaa  waxa  kale oo uu ka hadlay ka hadlay  qodobo ka mid ah xeerka diiwaangelinta Muwaadiniinta Codbixiyeyaaha oo Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu qaarkoodna dhalan-rogis ku sameeyey, qaarkoodna ku darsaday xeerkaas markii Goluhu ansixiyey ka dib. Kuwaas oo uu  ku dooday in aanay ahayn qobo xeerka lagu kordhiyey, balse  uu sheegay in ay yihiin qodobo ku jirey xeerkii diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee xeer no 37/2007, balse aanay  ku jirin xeerkii dhowaan Golaha u soo gudbisay,  Isla mar ahaantaasna waxa uu intaas ku daray  in ay qodobadaas fahami kari waayeen odayaasha Guurtida iyo xubno ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada oo ka hadlay qodobadaas sida khaldan ee sharci darrada ah, wax ka bedelka loogu sameeyey, badhkoodna xeerka loogu kordhiyey. Hase ahaatee Siciid iciid Baabuur waxa uu ka markhaati furay in  Gudoomiye Cirro qodobadaas iyo qodobo kale oo uu sheegay in Komishinku soo gudbiyeyba  xeerka ku daray.
“ Guurtida waxaan u sheegayaa oo aan Gudoomiye Saleebaan u sheegayaa waxa weeye yaan lagu wanjalin Gudoomiye, xeerka kuu yimi waa xeerkii Golahaaga berigii hore ka baxay ee xeer 37. Waxa keliya ee ku soo kordhay waa qodobadii Komishinku soo gudbiyeen iyo kuwii indhaha iyo wax la mid ah, kuwaasna waxa ku soo kordhiyey Gudoomiyaha oo markuu hadlayey xeerka noo akhriyey, waayo nalooma qaybin xeerka, oo xeerka aanu ansixinay nalooma qaybin ee Minutes uun baa nala siiyey, waayo fasax baa la gelayey xeerkuna wuu nagu raftay, dabadeedna Guddoomiyahu isagaa noo xaadiriyey waxa la ansixinayo, qodobada uu soo qaatayna waxaa ka mid ah. Markaanu raacnay soo jeedintii Madaxtooyada ee wax ka bedelka xeerka, ee  ahayd qaabkii diiwaangelinta Madaniga ah loogu heshiiyey. Oo waxuu soo qaatay qodobkii xukuumada iyo xisbiyadu ku heshiiyeen, waxa kaluu soo qaatay, Komishinku qaabkii ay u shaqaynayeen ee ay diiwaangelinta u qabanayeen. Markaa waxaanu ansixinay waa waxaas uu akhriyayey Gudoomiyahu. Isagaana noo xeer ahaa Guddoomiyahu oo saacadaas isagaa bahalka hayey, wax allaale iyo waxa xeerkaas lagu darayna waa wixii uu Gudoomiyuhu yidhi. Maaha xeerkii xukuumada ee aanu ka doodnay oo kaas waa laga guuray” Ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Baabuur.
Dhinaca kale iyada oo ay dembi weyn iyo sharci darro tahay in  laga waramo oo saxaafadda iyo meelaha fagaareyaasha ah lagaga hadlo arimaha  Ciidamada iyo waxyaabaha sirta u ah ee ay ka midka yihiin, hubkooda, hawlgaladooda, xeryahooda iyo saanadooda kaleba ayaa Xildhibaan Baabuur waxa uu si cadaan ah cadawga Somaliland iyo cid kastaba ugu sheegay in Ciidamada Qaranku la soo degeen  150 Baabuur oo cusub oo uu sheegay in ay qoryo saarayaan.
Isaga oo arintaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Boqol iyo lixdan gaadhi oo qabaalo  oo cusub ayaa la keenay, cid alaale cid waxa lagu qabanayo ogi ma jirto, anagu ma ogin, waxa la leeyahay dhamaantoodba qoryaa la saarayaa, laakiin ma ogin cida qoryaha loo saarayo, ma dagaal baynu gelaynaa mise dan kalaa laga leeyahay?  Waxa kale oo la sheegayaa shirkado baatrool baadhaya. Danta Ciidankaa iyo hubkaas laga leeyahayna anagu ma ogin, markaa shacbiga Somaliland mida aan  u sheegayaa waxa weeye ma horaynu iskugu dhacnaa, oo waynu is dilnaa, mise gadaal baynu taas u dhiganaa?”
Shirkaas jaraa’id waxa kale oo iyagna ka hadlay  qaar ka mid ah xildhibaanadda taageera xisbiga Waddani oo ay ka mid ahaayeen xildhibaan Buubaa, Aw Xoog iyo Rayte, kuwaasi oo dhamaantoodba sidii xisbigoodda caadadda u ahayd ku hadaaqay waxyaabo fidmo abuur iyo balaayo sheeg ah. isla markaana si qaawan u weeraray golaha Guurtidda.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply