Maamulka Degmada Mandheera oo Olole Nadaafadeed ka fuliyay Magalada Abdaal

0
559

degmada  maandheera  oo horkacaya  ururada bulshada  ayaa  shalay  olole balaadhan  oo  nadaafadeed  ka fuliyay  magaalada  Abdaal  oo xarun u ah degmada  mandheera halkaasi  oo khashin buuxdhaafiyay  ka sifeeyay wadooyinka hareeraheeda  waxaana  ka qayb qaadanayay  ololahan  nadaafadeed ardayda iskuulada iyo macalimiintooda,   ururada haweenka ciidamada booliska  bahda caafimaad iyo dad weyne aad u tiro badan  waxaana ugu horayn halkaasi ka hadlay maamulka degmada oo ugu horeeyo  gudoomiyaha degmada  Cumar  Cali Xuseen oo  sheegay  inay  shalay   qaadeen  olole  lagu  ururinayo  khashinka  waxaana  uu tilmaamay  inay  joogtayn  doonaan   toddobaadkiiba maalinta khamiista    waxa kale  oo uu  aad ugu  mahad  naqay cid kasta  oo ka qayb  qaadatay  ololahaa nadaafadeed   sida  ururada  haweenka .
 
Waxa kale oo halkaasi ka hadlay  madaxda ururada ka qayb qaadanayay  ololahaasi  nadaafadeed  kuwaasi  aa  sheegay  inay  hiil  iyo  hooba  la garab  taagan yihiin  maayarka  cusub ee dhawaan   loo soo  magacaabay   lana  shaqayn doonaan.
 

Leave a Reply