“In Dhalinyarradu Ka Qeyb-gasho Siyaasadda Madaxweyne Siilaanyo Ayaa Cuno-qabatayntii ka Qaaday” Murrashax Cadeeyay Inuu u Tartamayo Doorashada Wakiiladda

0
437

Hargeysa (Dawan)- Dr. Bedal Cali Cumar oo ka mid ah dhalinyaradda aqoon-yahanadda ah, ayaa shaaca ka qaaday inuu u tartamayo doorashadda Golaha Wakiiladda ee lagu wado inay dalka ka qabsoonto  badhtamaha sannadka fooda inagu soo haya ee 2015-ka.
Bedal Cali Cumar waxa uu sheegay inuu danaynayo inuu ka qeyb galo Goleyaasha hoggaaminta, waxaanu madaxweynaha Somaliland ku ammaanay sida uu dhalinyaradda uga qaaday qoddobadii caqabadda ku ahaa inay ka qeyb galaan ka qeyb galka Siyaasadda.
“Waxaan halkan ku caddaynayaa inaan iclaamiyo inaan isku soo sharaxo doorashadda Golaha Baarlamaanka ee gobolka Maroodi-jeex, waxaan aaminsan nahay inaan mansabkaasi guul ka soo hoyn karo, iyadoo aanu wato taageereyaashaydii, muddo dheer ayaan ka baaraan degayay inaan ku dhawaaqo murrashaxnimadayda, imika ayay suurtogal noqotay markii inaan shaaca ka qaadno. Waxaan qabaan inaan ka mid noqon doona dhalinyaradda tirada badan ee xubnaha ka noqday Goleyaasha qaranka,”ayuu yidhi Dr. Bedal Cali Cumar.
Bedal waxa uu Madaxweynaha Somaliland ku bogaadiyay inuu dhalinyaradda u fududeeyay inay ka qeyb galaan tartamadda doorashooyinka dalka, ka dib markii uu hoos u dhigay da’da dhalinyaraddu iskugu soo sharixi karto doorashooyinka Goleyaasha deegaanka iyo Wakiiladda.
Bedal Cali Cumar oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Xeerarka iyo shuruucda dalkeenu maanta waxay si weyn fursad u siinayaan dhalinyaradda, oo afar sanno ka hor aan wax cod ah ku lahayn goleyaasha hoggaaminta dalka, arrintaasi waxay igu dhalisay inaan isku sharaxo xubin Baarlamaan si aan dadkayga iyo dalkaygaba ugu shaqeeyo sidii aan awalba ugu shaqeynayay ee aan uga hawl-galayay bahda caafimaadka.”
 
Murrashax Bedal Cali Cumar waxa uu ka shaqeeyaa wasaaradda caafimaadka, gaar ahaan waxa uu ka mid yahay masuuliyiinta xanaanooyinka caasimadda Hargeysa oo uu muddo dheer ka soo shaqaynayay, waxa kale oo uu ka mid yahay dhalinyaradda taageera horumarinta ciyaaraha caasimadda, waxaanu aasaasay kooxo kala duwan.

Leave a Reply