Afgaanistaan oo kala Wareegtay Saldhiggii ugu Dambeeyay US iyo UK

0
375

Dalka Afghanistan, saldhigii ugu dambeeyey ee ay gacanta ku hayeen ciidamada Mareykanka iyo Britain ayaa waxa lagu wareejiyey ciidamada ammaanka ee Afghanistan.
Saldhigaan oo la yidhaahdo Camp Bastion ayaa waxa maamulayey ciidamada Britain laga soo bilaabo 2006-dii.
Ciidamada Britain waxaa la geeyey Afghanistan 2001-dii.
Ku dhowaad 2,700 oo ciidan British ayaa haatan ku sugan Afghanistan.
Tirada dhimashada ee ciidanka British-ka ah ayaa lagu sheegay in ay gaadhay 453 ciidan tan iyo markii ay bilaabatay colaada Afghanistan 2001-dii.
Markii ay ugu darnayd colaada, 2009-kii, waxa Britain halkaasi ka joogay ku dhowaad 10 kun oo ciidan, kuwaas oo ku sugnaa saldhiga haatan la wareejiyey ee Camp Bastion ee gobolka Helmand.
Tiro yar oo ciidanka Britain ah ayaa lagu wadaa in ay ku sugnaadaan dalka Afghanistan marka uu dhamaado sanadkan 2014-ka.
Arrintani waxay qeyb ka tahay heshiis ciidamada Shisheeye intooda badan  looga soo saarayo dalka Afghanistan dhamaadka sanadkan.
 

Leave a Reply