Ciidamada Lubnaan oo la Legdamaya Islaamiyiin

0
372

Ciidamada Labnaan ayaa la halgamaya kooxo islaamiyiin magaalada waqooyiga Labnaan ee Tripoli maalintii saddexaad.
Warfaafinta dowladda ayaa sheegtay, inay jiraan iska horimaadyo xaafad ka tirsan magaalada oo waqti badan ay ka jireen colaad u dhaxaysa taageerayaasha iyo mucaaradka Madaxweyne Bashar al- Assad.
Nimanka hubaysan ayaa u eg inay ka baxeen xaafada kadib markii ay la kulmeen dagaal culus, halkaasoo ay fadhiisimo ku samaysteen Jimcihii xaafada guryaha duqda ah ay ku yaalaan.
Kooxda xidhiidhka la leh Alqacida ee Nusra Front, oo haysata dhowr askari oo reer Labnaan ah ayaa ku hanjabay inay dilayaan mid ka mid ah askarta hadii ciidamada Labnaan ay sii wadaan weerarka.
 

Leave a Reply